Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Muxuu ka Yidhi Mawqifka Dalkiisa ee Qadiyadda Somaliland?

 

London(SLpost)-Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Dr. Tedros Adhanom, ayaa sheegay in Itoobiya Somaliland u aragto qayb ka mid ah Somaliya islamarkaana in xal laga gaadho qaddiyadda Somaliland u taalo dadka Somalida ah.

 

Wasiirka, oo shalay ka qayb galay kulan ka dhacay London oo lagaga hadlayay dhaqaalaha iyo ganacsiga u dhexeeya Afrika iyo Shiinaha, ayaa qof Somali ahi oo shirka goob-joog ka ahaa wuxuu wasiirka weydiiyay mawqifka Itoobiya ee midnimada Somaliya iyo weliba sida uu u arko Somaliland, waxaanu wasiirku sheegay inay Itoobiya Somaliland u aragto qayb weli ka mid ah Somaliya, “Waxaanay go’aan ka gaadhista arrintaasi [Somaliland] u taalaa Somalida.” ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, isagoo raaciyay, “Somaliland waa arrin Somalida dhexdeeda ah oo u taala dadka Somalida.”

 

Xigasho: Geeska