Wasiirka Arrimaha Debedda oo Hargeysa ka raacay masuuliyiinta Shirkadda BALLORE oo dhowaan booqasho ku yimi Dalka

Hargeysa(SLpost) Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa socdaal aan shaacin dalka kaga baxayisagoo raacay dayuurad ay wateen saraakiisha Shirkadda Dekedaha ee Bollore ee laga leeyahay Dalka Faransiiska.

Wasiir Maxamed Biixi waxa uu gadh-wadeen ka ahaa ka hor intii aanu dalka ka dhoofin madaxda shirkadaas oo booqashop aanay Xukuumaddu shaacin Dalka ku joogay, waxaanu wasiirku kulamo iyo safarba la galay saraakiishaas.

Lama oga shirkadda Bollore iyo xukuumadda Somaliland waxa ay ku Heshiiyeen hase yeeshee waxa la sheegayaa in ay wadaxaajood qoto dheer ka yeesheen labada dhinaca arrinta Dekedda Berbera oo ay labada dhinac doonayaan in ay qalinka ku duugaan Heshiis Maal-gashi.

Ilo wareedyo u dhuun daloolay socdaalka saraakiisha shirkadda ayaa Somalilandpost u xaqiijiyay in ay qorshaha shirkadaas dabada ka riixayaan Ganacsato iyo masuuliyiin saamayn ku leh xukuumadda kuwaas oo ay wehelinayaan niman Diilaaliin ah oo xukuumadda u farsameeya mashaariicda Maal-galinta ah.

Maxamed Biixi Yoonis

Mudadii ay kooxdani Dalka joogeen waxa mid ka mid ah Madaxda shirkadda Bollore kaga lumay Hargeysa Baasaaboorkii uu sitay taasoo sababtay in hakad galo noqoshadoodii balse markii danbe ay dalka ka baxeen isagoo wasiirka Arrimaha dibeda Somaliland sii raacay.

Ma cada Wasiir Maxamaed Biixi in uu u raacay Dalka Faransiiska oo ay ka soo kicitimeen iyo in uu meel dhexe kaga hadhay, illaa hadana wasaaraddiisa iyo xukuumadda kale toona wax xog ah kamay bixin  wadahadalka shirkadda iyo safarkiisa toona.

Somalilandpost.net

Hargaysa