Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Oo Kala Kulmay Madaxweynaha Kilidhka Shanaad Furitanka Xuduuda

Jigjiga (Slpost)-Weftigii uu hoggaaminayey wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed warancade ee safarka shaqo ugu maqnaa dowlad deegaanka somaalida itoobiye, ayaa saaka waxa xarunta madaxooyada magaalada Jigjiga ku qaabiley madaxweynaha dowlad deegaanka soomalida itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar,halkaas oo uu weftiga ku so dhaweeyey,isla markaana ay labada dhinac ka wada haddleen danaha labada dal.

wa warancade

Weftigan uu hoggaaminayo wasiirka arimaha gudaha Cali waranade ee saaka kullan-ka la yeeshay madaxweynaha dowlad deegaanka somalida itoobiya Cabdi maxamuud Cumar, ayaa waxa kamid ahaa Maayarka Caasimada Hargeysa,C/raxmaan Solteco , Xidhibaano iyo agaasimaha wasaarada warfaafinta Maxamed Aadan Ika-case.

Geesta kalena Madaxweynaha dowlada deegaanka Somaalida itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, iyo weftiga uu hoggaaminayo wasiirka arimaha gudaha Cali Maxamed Warancade,ayaa ka wada haddlay xaalada amaanka ,xidhiidhka laba dal,arimaha xuduudaha iyo isku socodka bulshada DDS yo bulsha weynta reer Somaliland,iyadooay labada dhinac ay is-afgarad buuxa ka gaadheen wax yaabihii ay ka wadda haddleen.

Ugu dambayntii wasiirka arimaha gudaha iyo weftigii uu hoggaaminayey ayaa ka abobaxay caasimada dowlada deegaanka somalida itoobiya ee jigjiga,waxaanay weftiga u boqoleen dhanka dowlada aynu deriska nahay ee jamhuriyada Jabuuti.