Wasiirka Arimaha Dibada Sacad oo La Kulmaaya Jaaliyada Somaliland ee UK

Ogeysiis

Waxa Jaalliyadda reer Somaliland ee deggen dal-weynaha UK loogu baaqayaa inay ka soo qayb galaan kulan ballaadhan oo lagu qaban doono magaalada London maalinta sabtida ee bisha January tahay 2da 2016.

Waxa kulanka inoogu warrami doona Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr Sacad Cali Shire iyo Guddoomiyaha Hayadda Qurba joogga mudane Cabdi Cabdillaahi Xirsi. Labada masuul ayaa hadda ku sugan dalkan UK.

Goobta kulanku waa: Wickham Suite,

69-89 Mile End Rd,

London E1 4TT

 Waqtigu waa 4:00 – 8:00 pm