Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Madaxtooyada oo Safar shaqo ugu kicitimay dalalka Masar iyo Kenya

Hargeysa, (SLpost)- Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr. Maxamed C/llaahi Cumar oo uu wehelinayo Wasiirka Madaxtooyada JSL Mudane, Xirsi Xaaji Cali ayaa maanta safar shaqo ugu kicitimay Dalalka Masar iyo Kenya.

Safarkan Wasiiradu waxaa uu ka dambeeyey marti-qaad rasmi ah oo ay Jamhuuriyada Somaliland ka heshay Dawlada dalka Masar, arrimaha ay labada dawladood ka wada hadli doonaan mudada ay wasiiradu ku sugan yihiin wadankaasi waxaa ka mid ah Arrimaha Siyaasada iyo Iskaashiga dhaqaalaha ee labada dal.

Socdaalkan Wasiirada ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee si rasmi ah Jamhuuriyadda Somaliland ku tagto wadanka Masar tan iyo intii Dawlada uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud xilka la wareegtay.

Dhinaca kale Wasiirada Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalmiga ah iyo Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku sii hakan doona mudada ay safarkan ku jiraan wadanka Kenya halkaas oo ay kula kulmi doonaan Diplomaasiyiinta beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay dalka Kenya.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net