Wasiir Xirsi Oo Si Weyn U Bogaadayiyay Ardayda Dugsiga Sare EeQuulle Aadan, Una Ballan-qaaday Dalxiis Ay Ku Tagaan Buurta Daallo

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, ahna Guddoomiyaha Guddiga Dhismaha Waddada Ceerigaabo ee u dhawaan magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa si weyn u bogaadiyay ardayda Dugsiga Sare ee Quulle Aadan oo ku yaalla Magaalada Hargeysa, oo noqday dadkii u horreeyay bahda waxbarashada ee qaadhaan ugu tabaruca waddada Ceerigaabo. Wasiirku waxa uu sidaas ku sheegay qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook oo u dhignaa sidan

“Waxaan Mahad iyo Bogaadin u Dirayaa Ardayda Dugsiga Quule Aadan ee Dareenka ka Da’da Wayn Leh
“Waxaan Idiinku Bushaaraynayaa Insha Allahu in aad Maalin Dhaw u Dalxiis Tagi Doontaan Ceerigaabo oo aad daawan Doontaan Quruxda Buurta Daalo”

Qule 2Waxaan ka qayg-galay Munaasabad ay soo agaasimeen Maamulka Dugsiga sare ee Adan Quule Dool, ujeedada Munaasabada ayaa ku wan qalnayd tabaruc ay Ardayda dugsigaas wax ka barata ay u fidiyeen Jidka abaabulkiisu socdo ee isku xidhi Doona Burco-Ceerigaabo, waa cajiib iyo wax lagu diirsado in aad aragto Arday da’ yar isla markaana xambaarsan dareen intaas leeg, Alleylehe cidii wax idin soo bartay iyo waalidkii idin ababiyey ayaa hambalyo leh.
Manta waan ku faraxsanahay in aad halkan nagu soo casuuntaan idiinkoo ka qayb-qaadanaya horumarka dalka gaar ahaan dhismaha wadooyinka, waan idiinka mahad celinaya idiina ducaynayaa dareenka iyo qalbiga fiican eed dalkiina u haysaan, waa hubaal oo jidadku waa muftaaxa koobaad ee horumarka sida aad wax ku barataan, qofka wax ku bixiyana waxay u tahay Sadaqo aan ka dhamaan abid, hada waa bilow jidkaas qof walbana wuxuu ku bixinayaa intii uu awoodo kiina aan wax ku bixin karayna waxaan ka codsanayaa in uu duco ku soo kabo.
Waxaan amaan u hibaynayaa Wasaaradda Waxbarashada oo maalintii u horaysay Wasiiradu balan qaaday in ay gacan iyo garab ka gaysan doonaan jidkaas waana Farxad iyo Ifafaalo fiican oo aan midhihii u horeeyey maanta u joogno.
Waxaa dareen gaar ah leh in yaboohii u horeeyey ee lanagu soo casuumo qaadhan ay noqdaan arday da’ yar hadana dareenkaas leh, waa kaalin aad ka gasheen qaranka iyo shacabka taariikhdana aad kaga qoran teen baal dahab ah.
Waxaa nasiib daro ah in garaadka iyo kartida ay ardaydaas buuxiyeen ay fahmi kari laayihin ilaa hada dad ka da’ iyo duunyoba badan oo ay la soo joogaan lacag ma bixinayo iyo jidkaas lama dhisi karo iyagood mar mar moodo in ay qadarka iyo awooda shacabka Somaliland ka shiki qabaan.
Waxaa ayaan daro ah in tiro kooban oo kamida xildhibaanadii dalka loo doortay ee ku Mushaarka qaata Cashuurtii dadka ay $100 doolar oo la waydiiyey diidayaan!! Iyagoo waliba loo kordhiyey $500 doolar!
Insha Allah ardaydaas ayaa mar inoo kici doonta oo badali doonta In badan oo Bulshada maanta culays iyo cay ku haysa.
Insha Allah waxaan ka dhabayn doonaa Dhismaha wadada iyada oo dhisana waydun arki doontaan, waxaanad dalxiis ku tagi doontaan Ceerigaabo iyo dhulka lamidka ahba iyadoo jidadku laami inoo yihiin Amiin.
Dalkeena in badan oo kamida maydaan arkin jidka oo inaga xun dartii waxaa kaliya ee inoo dhisan waa wadadaa keliya ee isku xidha Borama, Hargeysa, Bebera, Burco iyo Laasacanood, waxa kale oo inoo dhisan oo laami ahi ma jirto, mustaqablka dalku sugayaana waa idinka sidaa aad maanta uugu guntateen ayaa berina laydkinka Sugayaa in aad u talisaan.
Waxaan Rajo buuxda ka qabaa in Maalin dhaw dalka oo dhan oo wada laami ah aan helayno, Alle ina Gargaara waan leenahay , Shacab sharaf badana waan leenahay oo Shilinkooga u hura si loo gaadho Himilada qaranka, ha walwalina hana raagsanina, Allaha Shilinkiina iyo Ducadiina noo aqbalo, Noolaada oo Farxad ku noolada… Wa Bilaahi Tawfiiq.”

saedmgahair@hotmail.com