Wasiir Xirsi Oo Qodobbeeyay Waxyaabihii Ay Madaxweyne Siilaanyo Iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Ka Wada-hadleen

Hargeysa, (SLpost)- Wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka hadlay safarkii ay dhawaan ku tageen wefti uu madaxweynuhu hogaaminayay, kuwaasoo maanta dalka kusoo laabtay waxaanu qodobeeyay waxyaabihii ay ka wada-hadleen madaxweyne Siilaanyo iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya.

Wasiir Xirsi oo barta uu bulshada ku leeyahay ee Facebook ku baahiyay qoraal ayaa u dhignaa sidan:- “Illaahay ayaa mahadle oo waxaan soo nabad gaadhnay Caasimada Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeysa kadib markaan kasoo laabanay safar shaqo oo aan laba maalmood ku joognay Caasimada dawlada Ethiopia ee Addis Ababa.

Waftigan oo uu hogaaminayey Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mud, Axmed Maxamed Silanyo oo aan ku wehlinayno xubno kamida golahiisa Wasiiradu ayaa ujeedadiisu ahayd adkaynta xidhiidhka ka dhaxeeya labada dal ee dhinacyada:

– Ganacsiga , Xoojinta ilaalinta nabadgelyada iyo Iskaashiga horumarka

Waftigan oo martiqaad rasmi ah ka helay madaxda uugu saraysa dawlada aynu jaarka nahay ee Ethiopia ayaa waxaa si milgo dawladnimo huwan u qaabilay Ra’isal Wasaaraha dawlada Ethiopia Hailemariam Desalegn oo ay wehelinayaan xubno sare oo ka socda dawlada Ethiopia

Dawlada Ethiopia ayaa dhankooda adkeeyey qiimaha ay u hayaan Dawlada Somaliland iyo kaalinta ay Somaliland kaga jirto ilaalinta amaanka mindaqada guud ahaan sidoo kalena xusay in Somaliland ay hiil iyo hormuud u tahay nabada iyo dimuqraadiyada.

Kulankan ayaa wax badan ka tari doona dhinacyada xoojinta xidhiidhka diblomasiyadeed iyo iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia.”