Wasiir Xirsi Oo Jidka Ceerigaabo Ku Tilmaamay Tijaabadii Ugu Adkayd Ee Qaranku Galo

Ceerigaabo, (SLpost)- Wasiirka wasaarada Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka mid ah weftiga Weftiga Madaxweyne Siilaanyo ee socdaalka ku maraya  gobollada Barriga dalka, ayaa  sheegay in dhismaha jidka Ceerigaabo uu yahay imtixaankii ugu weynaa ee dhinaca waxqabadka ee dawladda Somaliland gasho mudadii ay jirtay.

Wasiirka Madaxtooyaddu waxa uu sheegay in lagu guulaystay dhammaystirka in ku dhow kala badh mashruuca dhismaha jidka isku xidhi doonaa Sanaag iyo Togdheer oo uu ku tilmaamay in uu ahaa tijaabadii ugu adkayd ee qaranka Somaliland galo abid.

Wasiirku waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal uu kaga hadlay arrintaasi iyo qodobbo kale  oo uu ku baahiyay bartiisa internetka eeguusha.com, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Waxaa maalmihii u dambeeyey soconayey weftigii uu hogaaminayey Madaxweynaha JSL Md, Axmed Maxamed Siilaanyo ee kormeerka shaqo ku marayey gobolada barriga Somaliland. Haddaba, weftiga oo maalmo ka hor ka soo laabtay gobolka Sool ayaa soo gaadhay gobolka ugu weyn JSL ee Sanaag oo laga hirgalinayo mashruuca ugu weyn dalka.

Mashruuca dhismaha jidka isku xidhi doonaa Sanaag iyo Togdheer oo ahaa tijaabadii ugu adkayd ee qaranka Somaliland galo ayaa waxa Illaahay  loogu mahad naqo ah in guushiisii  waxyar ka dhiman tahay oo maantaba ku dhawaad 150Km diyaarsan tahay kuwaas  oo isugu jira in laami ah iyo in ku jirta  diyaarinta wejigii ugu dambeeyey,Wuxuu ahaa imtixaan ay ku kala baxeen inta Somaliland dhuuniga u dhex joogta iyo inta dhaqasho ugu dhabar jabtay.!

Waxay ahayd tijaabo iyo wakhti uu fulaygu shakiyey balse geesiyadu geella baxsheen waliba ugu yaraan  kalmad wanaagsan deeq uga dhigeen shacabka reer Sanaag ee sanadaha badan jid la’aantu go’doonka ka dhigtay,waxaase nasiib darro ah in dadka qaarkood ugu  yaraan  kalmad wanaagsana u quudhi waayeen maalintii adkayd.

Waxaa amaan iyo bogaadin mudan shacabka xoolihii ay dhaqanayeen jidka ku daray iyagoo soo nooleeyey dareenkii ahaa  iskaa wax u qabso  kuwaas oo tusaale fiican u ah isku duubnida shacabka iyo xukuumada jidka horumarka cagta u saartay.

Waxaa xusid mudan in ujeedada shacabka loo waydiinayo qaadhaanka jidku aanay ahayn in xoolaha nool iyo lacagtuba wax badan jidka ka dhisi karayaan  balse ay tahay in la abuurro jawi qofka muwaadinka ah dareemo in uu dalkiisa wax gashanayo taasi oo xoojinaysa lexejeclada uu dalkiisa u hayo.

Waxaa xasuusin iyo farxad mudan in maanta dhammaan intii daamur geli lahayd jidku diyaar tahay sidoo kalena ugu yaraan lix dhaggax burburiye “Crushers” ay ku rakiban yihiin buuraha kuwaasoo isugu jira qaar Wakaaladda horumarinta waddooyinku leedahay iyo kuwo dad shakhsi ah leeyihiinba.

Waxaa hubaal ah in maalin dhow inta yar ee ka dhiman jidku dhammaan doonto sidoo kalena noqon doonto guul guud ahaanba qarankeenna u soo hooyata  waxaan aaminsan nahay in Wixii Rag u Kaco Rabbina aqbalo haba ragee uu rumoobo.”