Wasiir Xirsi Miyuu Isku Qiray Mise Wuu Iska Leexshay Eedaha Boobe? – W/Q: Cabdiraxmaan Jaamac

Waxaan ka mid ahay bulshada reer Somaliland ee caadaysatay akhriska taxanaha dheer ee uu Boobe Yuusuf Ducaale ku soo bandhigay taariikhda maalmihii koobnaa ee uu ka tirsanaa xukuumada madaxweyne Siilaanyo. Waa qoraalo ay ka muuqato waayo aragnimada iyo farshaxka uu Boobe u leeyahay qalin-maalnimada. Waa qoraalo soo jiitay indhaha iyo maskaxda qaybo badan oo bulshada reer Somaliland ah, kana dhex abuuray doodo iyo faalooyin aan dhamaad lahay. Waa hadal-hayska ugu badan ee ka dhex socda bulshada reer Somaliland gudo iyo dibadba. Balse taxanahani maaha sheeko loo sameeyay maddadaalo sugaaneed iyo bandhig farshaxameed ee waa xaqiiqo cad oo u baahan daraasad in lagu sameeyo, waa dacwad uu qoraagu bulshada u soo bandhigtay oo u baahan in laga garnaqo.

Marka ay noqoto garnaqid iyo daraasad waxa haboon in aad fiiro ka duwan aad ku akhridid marka aad madadaalo iyo sheeko nimo aad u akhrisanaysid. Waxa haboon inaad heshid qodobada doodeed ee ay qoraaladu xambaarsanyahiin iskana ilowdid qaybaha soo jiidashada iyo farshaxanimada loo adeegsaday.

Gar lama qaado adoon xogta labada dhinac wada haynin, markaa waxa haboon inaad isku daydid inaad isku si u wada akhridid qoraalada labada dhinac mudiciga iyo madaaciga. Waxa haboon inaanad ku dagdagin goáan qaadashada sugtidna biyo dhaca sheekada.

Akhristow si aynu gartan u wada galo bal aan halkan hoose kuugu soo gudbiyo qaar kamida qodobada iiga baxay sheekada Boobe iyo Jawaabaha ka yimid dhinaca xukuumada.

Shaqsiyaadka ay qoraalada Boobe ay sida wayn u taabteen waxa ka mid ah Wasiirka madaxtooyada Md. Xirsi Cali X. Xasan oo markaad si taxadir leh aad u dhuuxdid qoraalada ilaa imika soo baxay ku eedaysan laba qodob.

1.  Ku xad-gudbid xuquuq dastuuriya oo muwaadinku xaq u leeyahay. Xuquuqdaas oo ah inaan la faro galin xidhiidhka isgaadhsiineed ee muwaadiniinta, haddii aanay jirin xaalad daruuriya oo fasaxaysa iyadoo loo marayo maxkamad sharciya.(qodobka 30aad dastuurka qaranka).

2.   Haysasho iyo adeegsi awood dheeriya oo aan sharci ahayn, awoodaas oo dhaafsiisan xilkiisa wasiirnimo.  Md. Xirsi isaga oo garab ka haysta madaxtooyada waxa uu faragalin joogto ah ku hayaa, shaqada wasiirada sharci ahaan isaga la siman.

Qayb ka mida qaybaha uu qoraagu sida tooska ah uu eedaha ugu soo oogay Md. Xirsi ayaa waxa uu ku sheegay in telefoon laga duubay. Qoraagu isagoon wali ka biyo dhacin arinkan ayaa wuxuu sheegay inuu war soo gaadhay sheegaya inuu Md. Xirsi telefoon ka duubay wuxuuna hadalka u dhigay sidan: “4/8/2012ka: Waa Sabti oo waa tii aanu xalay Odeyga la joognay. Subaxnimadii hore waxa igu soo kallahay nin la yidhaahdo Cabdilcasiis Aadan Habbane oo loo yaqaanno ‘Siisto’. Wuxu ii sheegay in uu ergo yahay oo uu ka socdo Wasiirka Madaxtooyada Mudane Xirsi. Wuxu ii sheegay Cabdilcasiis in uu Mudane Xirsi iga duubay hadallo aan tilifoonkayga kaga hadlayay oo isaga liddi ku ah. Sidaa darteed wuxu iga codsaday Cabdilcasiis in aan oggolaado in aan daw-bixiyo Mudane Xirsi oo haya faro ama ’iksibidh’ (exhibit) aanan dafiri karin. Wuxu intaa iigu daray in uu maanta Mudane Xirsi kula ballamay xafiiskiisa Madaxtooyada si uu cajaladdaa uu iga duubay u maqashiiyo.” In kasta oo aanu Boobe sheekada dhamaystirin walina aanu sheegin in uu isagu dhagaystay cajaladda la sheegayo iyo waxa ku duubnaa, hadana waxa sida fiinta uga qayliyay Wasiirka madaxtooyada Md. Xirsi Cali X. Xasan oo warbaahinta u sheegay hadalkan hoos ku qoran:

“Waxaan Beeninayaa eedaha uu Boobe aniga (Wasiirka Madaxtooyada) ii soo jeediyay ee uu yidhi waxa uu iga duubay hadal aanu Telefoon kaga wada hadalnay. Waxaan idiin sheegayaa ma jiro wax hadal ah oo aan ka duubay. Arrintuse waxay ahayd Boobe ayaa maalin maalmaha ka mid ah I soo wacay isaga oo aan filayo inuu qof kale ii haystay marka uu I soo garaacayey, dabadeedna telefoonkii ayaan qabtay, ka dibna waxa aan maqlay isaga oo dad kale u sheekaynaya isla markaana aniga iyo madax badan oo xukuumada na xamanaya, oo weliba si fool xun noo caaya.

Markaa dhawr jeer ayaan la hadlay oo aan hello idhi isaguna iima jawaabin, waxaana markaas ii cadaatay in aanu is ogeyn markii uu I soo garaacayey, amaba inta uu I soo garaacay uu telifoonkii hadana iloobay. Intii uu hadlayeyna si kasta wuu noo aflagaadeeyey, siiba aniga waxuu iga sheegayey waxyaabo aanay waxba ka jirin oo waxaas iyo waxaas ayaan ku idhi ayuu lahaa, kuwaas oo aanay waxba ka jirin. Arintu markii ay halkaas maraysay ayaan telefoonkii jaray oo aan dib ugu celiyey, waxaanan ku idhi waar malaha kumaad talo geline marka aad hadlayso ee wax xamanayso telefoonka iska xidh Arrintu sidaasi ayay u dhacday. Waanan la yaabay run ahaantii ninkaa masuulka ahi sida uu u caayayey xukuumadii uu ka tirsanaa iyo sida ay uga suurto gashay inuu soo garaaco qofkii uu xamanayey,” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyadu.

Md Xirsi waxa kale oo uu markhaati ka dhigtay oo isna warbaahinta uga hor markhaati furay Cabdilcasiis Aadan Habbane(siiso) oo ah ninkii uu Boobe ku dooday inuu warka u soo gudbiyay.

Hadaba akhristow adigan garta kuu dhiibaye jawaabta Xirsi ma tahay mid ka wada dul qaadi karta labada qodob ee lagu soo eedeeyay. Haddii aan kuu furfuro eeda Boobe soo jeediyay iyo beenaynta uu Xirsi beeneeyay isaga oo hal markhaati adeegsanaya, inooma kala cadayn karto 100% ka run sheegaya labada dhinac balse caqligeena aynu kaashano oo aynu dhinacyo kale ka eegno.

Isku day inaad garwaaqsatid deedafeyska cajaladda la duubay sida uu Xirsi iyo markhaatigiisu sheegeen, balse daraasad ku samee intuu Xirsi afkiisa ka qirtay, dhawr arimood oo kale.

Akhristow wali ma kugu soo dhacay telefoon si khaldan, tusaale ahaan mid is garaacay ama mid caruur yaryari ay ku ciyaarayso isagoon qofkii lahaa ogayn. Maxaad ku samaysaa markaad fahantid inaan qofkii lahaa ogayn? Ma u bakhtiisaa, waliba haddii aad tahay qof mashquula oo shaqo culus haya, mise waad sii dhagaysataa waxa ay dadka dhinaca kalee telefoonku ay ku sheekaysanayaan? Dad badan oo aan su’aashan u soo ban-dhigay iyo anigan qoraalka soo gudbinayaaba waxaanu isku raacnay inay haboontahay in telefoonka loo bakhtiiyo qofkaan is ogayn. Qof wanjalaad ku jira iyo basaasid uun baa sii dhagaysta telefoon khalad ugu soo dhacay.

Waa hubaal xog kasta oo aad si qaloocan aad ku heshaa waxay noqonaysaa booli xaaran ah. Shay kasta oo si boolinimo ah lagu helano ma galo in gar loo adeegsado, haddii ay tahay maxkamad sharciyeed iyo haddii ay tahay geed xeerbeegti dhaqameedba.

Hadaba akhristow haddii uu Xirsi sir culus si qaloocan uu Boobe kaga helay siduu isagu qiray, maxaa ku kalifay inuu ku soo gar dhigto oo uu ugu soo gar dhigto wasiir ay awood ahaan simanyahiin da’ahaana ka wayn oo inuu ixtiraamo ay ahayd. Mise waxa run ah eedda in badan loo soo jeediyoo wuu ka awood badanyahay wasiirrada kale, waxaanu u adeegsanayaa sirtan uu sida booliga ah ku helay inuu ugu caga jugleeyo. Qof caadi ahi wuu is qarin lahaa oo lamuu soo shir tageen “adoon is ogayn baan telefoonkaaga dhagaystay”, haduuna ahayn gardaro garab og.

Dhinac kale aynu ka rogno sheekada, haddii ay run tahay siduu Xirsi sheegay oo aanu waxba duubin ee uu kaligii dhagaystay Boobe oo xamanaya. Muxuu markhaati ahaan u haystaa oo uu golaha garta la imanayaa ilayn cadaynba ma haystee. Halkaa ma kaaga bidhaantay mar haddii uu Xirsi afkiisa uu warbaahinta uga qirtay inuu Boobe ka dalbaday inuu ka daw-bixiyo dhacdada uu ku caayay, waa inuu cadayn markhaatiya haystaa ilayn af madhan lama soo gole imanayee. Haddii aad cadayn haysidna waxaad gar ugu qabsan kartaa arintan qaloocan oo aad u adeegsankartaa (black mailing) qof aad ka awood badantahay, waxa uu mar labaad Xirsi si dadban isagu qiray inuu wasiirada kale ka awood badanyahay una caga juglayn karo, mar haddii uu gar ugu dhiganayo arin malayacni ah. Waxa kale oo guud ahaan sheekada ka soo baxay qiimo yaraanta raga uu Xirsi ka midyahay ee madaxtooyada jooga mar haddii laysku qabqabsanayo arin sidan oo kale ah.a

Ugu danbayntii waxaan faaladan ku soo gunaanadi karaa; hadalka Xirsi waxa uu si dadban isagu qiray labaddii eedaymood ee aynu kor ku soo sheegnay, waxaanu meesha ka saaray fikir ay dadka qaar ka haysteen Xirsi oo ahaa inuu yahay nin dhaqan diimeed oo fiican leh, isagoo yidhi gadhku gadhkaad moodeen maaha.

Waa Qalinkii

Abdirahman Jama

Holland

Maandeeq2@yahoo.com