Wasiir Xirsi: Masuul Shaqadiisii ka soo baxay oo leh sifo Hoggaamineed – W/Q: Cabdixakiim Axmed Cali

Astaamaha wanaagsan ee Allah ka cabsiga, dulqaadka, deganaanta, Aamuska, kartida, deeqsinimada iyo fejignaanta waa kuwa masuulka usoo jiida inay inta caqli iyo xikmad Allah siiyay u aragto masuul hawshiisa gudanaya, kana gaadhaya guul dhamaystiran.

Astaamahan waxay ka muuqdaan Mud.Xirsi Cali X.Xasan wasiirka madaxtooyada. Badi culimida falsafaddu waxay tilmaaman in qofka had iyo jeer noqonaya hogamiyaha ay tahay dhalasho iyo dhiiranaan iskaga abuuran oo Allah siiyay, inakstoo cilimga hogaaminta casriga ahina ku daro inay haddana tahay wax la barto (modern leadership).

Soomaalidu waxay leedahay waayo aragnimo xeel dheer oo sooyaalka hogaan dhaqameedka ah waxaana ka buuxa astaamo iyo calaamado badan oo maanta si weyn uga soo if baxay Wasiirkan da’da yar Wasiir Xirsi.

Guddoon jilicsan, iyo gacan gudhan waa astaamaha la isla gartay in tahay sifooyinka aan u qalmin hogaamiyaha. Haddii aad dib u yar jaleecdo dhammaan hawlaha uu qabtay waxay ku fadhiyaan xikmad iyo iyo geesnimo…. Waxa laga yaaba inay qaar badani u arkayaan in aan aamanayo laakiin markaan eegay dhammaan hawlaha u qabanayo waxa ku dhex jira dhiiranaan iyo geesinimo.

Xafiiska Xirsi waa kan lagu hadal hayn badan yahay taasi ayaa muujinaysa baaxadda hawlaha ka socda, waayo xasadka ayaa ku bata qof kasta oo hawshiisa si daacadnimo iyo ragnimo leh u gudanaya.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo wuu asiibay markii uu Xirsi u dhiibay jagadaasi muhiimka ah wakhtigan uu xasadkii, xumantii, caqli yaraantii iyo keli wax isla doonkii samada maray.

“In most cases being a good boss means hiring talented people and then getting out their way”

Marar badan maamulaha hoggaanka wanaagsan, waa iyadoo la hawl-geliyo dad karti leh oo loo sii daayo hawshooda.

Madawexyne waayo arag ah oo gartay in kartida iyo aqoontu tahay tan uu Xirsi ku sheqeeyo ayaa horseeday inuu Xirsi ku dhiirado in hawlaha qaranka ee kale ee qabyada ahna kartidiisa wax kaga qabto.

Maxay doonayaan… Marka ay leeyihiin maxaa soo geliyay wadooyinka miyaanay ogayn in wakaalada waddooyinku tahay waax ka tirsan wasaarada madaxtooyadda.

“If you really want the key to success, start by doing the opposite of what everyone else is doing”
Wax kasta wuxu kaga imanyaa dhinac aanay filayn waana taasi ta jahawreerrka iyo dacaayadda xad dhafka ka keentay, mana fahmi karaan qaabkan iyo habkan uu adeesaganyo way ku cusub tahay.

Qofka dalka iyo dadka wax u qabta … taariikhda ayaa sheegays .. maanta waxa jira buugaag badan oo la qorayo oo dalka iyo dadkaba laga qorayo kuwaasi ayuu Xirsi si run u ah uga soo baxaya …koox iyo ashkhaas kalene kalintii ay ku lahayeen oo run ah ayaa la arki doona.

Madaxweynuhu wuxu qaatay odhaahda maamul ee ah:

“ The best executive is the one who has sense enough to pick good men to do what he wants done, and self-restraint to keep from meddling with them while they do it”

“Hogaanka tayada lihi wuu doortaa rag tayo leh oo fuliya wuxuu rabo in la qabto ”
Xirsina wuxuu ka mid yahay kuwaasi dareenka iyo kartida waxqabad isugu darsanatay ee fulinaya wixii loo xilsaray iyo wax ka badan.

Cabdixakiim Axmed Cali

Hargeysa