Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Intaan Ka Arkay (1), W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

Siciid Maxamuud Gahayr
Siciid Maxamuud Gahayr
Siciid Maxamuud Gahayr

Haa.. waa la maagaa.. la dhaliilaa… laga mahad-sheegtaa… lagu hal-qabsadaa… magacna laga raadiyaa Xirsi baa ila soo hadlay ama xaajo aannu wada gorfaynnay. Waa masuul qaran taas ayaana faallada badan mid taban iyo tu toganba keenaysa… Maqalka magaca Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu igu ugub ahaa, ama wacaal ku helay markii Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo ahaa Guddoomiyeha Kulmiye u xulay xubinta uu Xisbigiisu ku darsanayo Guddiga Doorashooyinka Qaranka hilaaddii 2006-da, kolkaas oo uu noqday Guddoomiye ku-xigeenka KDQ iyo Guddoomiyeha Guddiga Diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha iyo Sugidda Jinsiyadaha.. Laakiin waxa xilkii guddoomiye-kuxigeenka ka qaaday xubnihii u janjeedhay UDUB markii si gar ah ula hadlay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin KDQ saxaafadda u mariyay weedho aanan jeclaysan, oo uu ku yidhi “Madaxweyne wixii ku saabsan arrimaha doorashada waxaannu kuula dhaqmaynaa sidii Guddoomiyeha UDUB”.. Isaguna xubinnimadii waa iska casilay, kaalintiisiina waxa galay Cali-Biikalo.. Waxaase lagu qaaday fal uu Dr Gabboose ku tilmaamay “Aargoosi siyaasadeed” iyo in lagu eedeeyo Al-shabaab.

Taasi, waa maqalkii dhegta, aragga dhaayaha waxa ii koow ahayd isaga oo ah Maareeyaha Shirkadda Somtel, aragtida Xirsi waxa ii labaysay 20/Disemeber/2011-ka oo aannu joognay Madaarka Hargeysa oo aannu ku soo dhawaynayay walaalkay Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, Murashaxa Jagada Madaxweyne ee UCID oo aanu saaxiib iyo sokeeye xooggan nahay, maalintaas waxa aanu wada soconnay Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland, Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir..  Dharaartaas waxa ay Wasiir Xirsi iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Maxamed C/Laahi Cumar u duulayeen Nairobi iyagoo u sii jeeday Qaahira Caasimadda Masar.. Waxaana gegada diyaaradaha ku sii sagootiyay Mudane C/Laahi Jaamac Cismaan “Geel-jire”, Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiya iyo Horumarinta Xeebaha Somaliland.

Aragtida saddexaad ee Xirsi oo noqonaysa kolkii aanu yeelannay hadal iyo xidhiidh ii fududayna inaan samaan iyo xumaan ku faaqidi karo summadihiisa dadnimo waxa ay ahayd 12/Oktoober/2012-ka oo aan Maansoor Hotel u tegay ka qaybgalka barnaamij magaciisu yahay Dantu Guud iyo Daryeelka Bulshada oo ay Ururka SODRA iyo Jaallahay Axmed Shaqalle gadh-wadeen u ahaayeen billado maamusna lagu milgeeyay dadka ka qayb qaatay horumarka dalka hadday yihiin masuuliyiin dawladeed, haayado waddani iyo shisheeye ah, shirkado ganacsi, madax-dhaqameed, aqoonyahanno iyo qaybo kale….

Milaygii munaasibadda la af-meeray ayaannu Xirsi u tagnay aniga iyo C/Raxiin Ismaaciil C/Laahi (Bidaar) oo ah Agaasimaha Mareegta Sabaxareednews ee Hargeysa..Laba ujeeddo ayaan la-hadalka Xirsi ka lahaa.. Ta koowaad waxa ay ahayd inuu kelmad-sharafeed ku daro buugga SAMO-TALIS ee Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe).. Gacanta waxa aan uga dhiibay muuqaal midab leh oo jaldiga sare ee SAMO-TALIS oo uu ku xardhan hummaag ah Madaxweynaha Somaliland oo shahaadada nabadda iyo xallinta khilaafaadka ku guddoonsiinaya Jaamacadda Hargeysa 27/Sep/2011-ka. Wasiirku waxa uu codsigayga u aqbalay si heersare ah. Isaga oo aan xilli iyo ballan kale ii qaban ayuu yidhi “Hadda ayaan kuu duubi doonaa”..

Qacdiiba waxa aan la soo baxay cod-kaydiye aan sitay waxaanu isagoo ka hadlaya shakhsiyadda Xaaji Cabdi yidhi “Xaaji Cabdi wuxuu caan ku yahay oo taariikhda ku suntan inuu yahay nin nabadda jecel, nin qarankan Somaliland dhismihiisii ka soo qaybqaatay. Xaaji Cabdi waa shaqsi taariikheed (historical figure), waa xubin Somaliland calaamad u ah, waa xubnaha Somaliland calaamadda u ah. Xaaji Cabdi waa nin waayeel ah oo wakhti dheer u soo joogay Somaliland taariikhdeeda illaa wakhtiyadii gumeystaha oo sooyaal aad u badan haya, oo wanaagga jecel laguna yaqaanno inuu wanaagga jecel yahay. Waa xubin xikmad badan oo kelmadda suga. Waxaan Alle uga baryayaa in intuu nool yahayna uu caafimaad siiyo, marka uu geeriyoodana uu jannada ka waraabiyo. Aamiin”..

Danta labaad ee aan ka lahaa Kulanka Wasiir Xirsi waxa ahayd……………

La Soco qaybta 2aad haddii Alle idmo…

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

Akadamiga Waxbarashada iyo Cilmi-baadhista (ERA)

saedmgahair@hotmail.com