Wasiir Xaglo-Toosiye Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Warar Sheegayey Inuu Khilaaf Soo Kala Dhexgalay Isaga Iyo Madaxtooyada

Hargeysa (SLPOST) Wasiirka caafimaadka Somaliland, Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xoglo-toosiye) ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay khilaaf la sheegay inuu soo kala dhexgalay isaga iyo madaxtooyadda Somaliland.

thumb

Wasiir Xaglo-toosiye ayaa waxa uu sidoo kale deedefeeyey cadho la sheegay inuu doraad kaga amba-baxay magaaladda Hargeysa, kaas oo sida ay tibaaxuhu sheegayaan Burco markii uu gaadhay ay wasiiradda duulista Maxamuud Xaashi iyo Ciyaaraha Cali Siciid Raygal kaga daba-tageen isla markaana ay soo lad-qabeeyeen.

Wasiirka Caafimaadka oo isagu xalay Wargeyska Haatuf khadka telefoonka ugu waramay ayaa khilaafkaasi gaashaanka ku dhutay, waxaanu ku dooay inuu arrimo shaqo oo wasaaradiisa la xidhiidha u tagay magaaladda Buroc ee xarunta gobolka Togdheer, kaas oo xussay inaanu wax cadho ah u tagin halkaas, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana, waxa uu si kooban u yidhi “Waa waxba kama jiraan warkaasi ma jiro khilaaf noo dhexeeya aniga iyo madaxtooyada, waxaana naga dhaxaysa wada-shaqayn fiican markaa waxaan bulshadda Somaliland u sheegayaa inuu warkaasi yahay mid aan xaqiiqada ku salaysnayn”.

Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka jawaabaya su’aal aanu ka waydiinay cadhada la sheegay inuu Hargeysa kaga baxay, waxa uu yidhi “Ma jirto cadho aan anigu Hargeysa kaga baxay, Magaaladda Burco-na waa run oo waan tagay laakiin waxa aan u tagay shaqo, socdaalkayga Burco-na waxa uu ahaa safar shaqo, markaa sida aan kuu sheegay ma jirto cadho aan caasimadda kaga baxay”.

Sidoo kale sida ay wargeyska Haatuf u sheegeen dad xogogaal ahi wasiirka caafimaadka Dr Xaglo-toosiye ayaa isagu cadho kaga baxay maalintii doraad magaaladda Hargeysa, kaas oo sida ay ilo-wareedadaasi tilmaameen cadhadiisa lala xidhiidhiyey Odayaal uu ka mid yahay Ugaas ay xidhiidh dhaw lahaayeen wasiir Xaglo-toosiye oo ka yimid deegaanka Boocane oo caasimadda u jooga wada-hadalo ku taxaluqa gogashii nabada ee uu hore madaxwaynuhu ugu fidiyey beelaha barriga Somaliland, ayaan doorkii uu ku lahaa arrimaha deegaanada uu ka soo jeedo aan waxba laga waydiinin, kaas oo arrintaasi u arkay mid lagu yaraysanayo.

Dhinaca kale sida ay xogahaasi Haatuf u sheegeen wasiir Saleebaan Ciise Axmed ayuu khilaaf awood maroorsi oo ku wajahan deegaanadda Sool iyo Buuhoodle uu wakhtigan ka dhexeeyaa Wasiiru dawlaha arrimaha barriga iyo nabadaynta Cali Sandulle oo isagu hormuud u ahaa Odayaasha deegaanka Widh-widh ee madaxtooyadda la geeyey.

XIGASHO: Haatuf