Wasiir Xagla-toosiye oo Waxba kama jiraan ku tilmaamay Khilaaf soo Kala Dhex-galay Xukuumadda uu ka tirsan yahay, Xogwarranna ka bixiyey Safar uu ku tagay Jabuuti

Wasiirka-Dib-u-dejintaHargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye), ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay Khilaaf soo Kala Dhex-galay Xukuumadda uu ka tirsan yahay, kaas oo la sheegay inuu Wasiirku go’aansaday inuu Iska Casilo Xukuumadda Siilaanyo.

Dr Xaglatoosiye, waxa kale oo uu tafaasil ka bixiyey Safar uu ku tagay Waddan Jamhuuriyadda Jabuuti oo uu muddo todobaad ka badan ku maqnaa.

Xaglatoosiye

 

Somalilandpost.net/Hargeysa