Wasiir Xaabsade oo Dawladda ugu baaqay inay Ciidamada soo saarto Deegaamada Buuhoodle

Boorama, 07 April, 2012 (SLpost)- Wasiirka Hawlaha Guud Md. Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa sheegay inay tahay war lagu farxo inay reer Buuhodle soo dhaweeyaan gogosha nabadda ee loo fidiyay hadii laga qaado ciidanka.

Md. Axmd Cabdi Xaabsade oo maanta ka hadlay arrintaas mar uu xadhiga ka jarayay wado isku xidhaysa Boorame iyo Jaamacadda Camuud, waxa uu sheegay in dadka deegaanka Buuhoodle ogolaadeen gogosha nabadeed ee loo fidiyay, isla markaana ay sheegeen inay Somaliland ka mid yihiin, sidoo kalena ay codsadeen in ciidamada qaranka laga qaado, kuwaaso uu wasiirku ugu baaqay xukuumadu inay fuliso.

“Dhibaatada na haysata ee Sool ka taagan, anaguna xabad lagu laayo ayaanu dadkayaga u soo iibinaynaa, halkana (Awdal) qalin-baa loo soo iibiyaa, labadaasina laba is-le’eg maaha. Dadkaasi (Dhulbahante) waxaan leeyahay walaalihiin xabad-bay idiin soo iibiyaan, halkana qalin-baa la idiinku deeqay, markaa u mahad-naqa dadkan wax idin bara,” ayuu yidhi Wasiirka Hawlaha Guud Md. Xaabsade. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Joornaal ayaan ku arkay in reer Buuhoodle yidhaahdeen ‘haddii ciidanka inyar lanaga qaado gogoshii nabadeed waanu imanaynaa, Somaliland-na waanu nahay, warkaasi waa war farxad leh.” Mr. Xaabsade oo baaq xukuumadda u soo jeediyay waxa uu yidhi, “Dawlada waxaan leeyahay, idinkuna ciidamada ka qaada, maadaama oo ay ogolaadeen gogoshii iyo in aanay soo duulin.”

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net