Wasiir Waran-cadde oo ka sheekeeyey Arrinta aan Maskaxdiisa ka bixin ee uu ka xasuusto Duruusta uu ka bartay Kulliyadda Sirdoonka Ruushka ee KGB

waranHargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa ka sheekeeyey mid ka mid ah Duruusta uu weli xasuusan yahay ee ka mid ah Casharrada uu ku bartay Kulliyadda Tabobbarka Sirdoonka Ruushka ee loo yaqaannay KGB wakhtigii dawladdii Millateriga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre ka talin jirtay dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya. Waxaanu Waran-cadde ka jawaabay eedaha ay Xisbiyada Mucaaradka ahi kaga soo horjeedaan diiwaangelinta Madaniga ah.

Wasiir Waran-cadde waxa uu sidaa ku sheegay hadal uu ka jeediyey kulan Madaxtooyada ka qabsoomay oo uu shalay isugu keenay Madaxweynaha Somaliland, Xubno ka kala socday Ururrada Bulshada ee aan dawliga ahayn iyo Bahda Waxbarashada dalka oo ka mid ah kulammada Xukuumaddu ugu ololaynayso hirgelinta diiwaangelinta Madaniga ah oo ay Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI Khamiistii toddobaadkii hore soo saareen go’aan wada-jir ah oo ay ku sheegeen inay ku qaaddeceen diiwaangelinta oo ay gal-daloolooyin badan ka muujiyeen kuna tilaameen xeelad ay Xukuumaddu ku doonayso dib-u-dhac ku yimaadda wakhtiga diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha iyo doorashooyinka la filayo inay dalka ka qabsoomaan badhtamaha sannadka soo socda ee 2015-ka.

Waxaanu Waran-cadde oo sharraxaya go’aanka ay markaa ka dib Xukuumadda Somaliland qaadatay uu yidhi; “Annagoo ilaalinayna Dastuurka Jamhuuriaydda Somaliland oo dhigaya doorashada lix bilood ka hor inay dhammaystirmaan wax waliba, waxaannu gaar u goosannay maaddaama oo lacagtii lagu bixin lahaa la helin inaannu dawlad ahaan gaar u bixinno ta gaar u khusaysa Wasaaradda arrimaha gudaha oo ah caddaynta Cod-bixiyaha, waannu iska aragnay qolooyinka Guddiga doorashooyinka, Axsaabta Qaranka, waxaannu u sheegnay Beesha caalamka maaddaama oo ay tii cod-bixiyeyaashu habsaantay Lacagteedi inaannu sii bilawno Ta (diiwaangelinta) dhalashada, waannu bilawnay. Waxa kale oo aannu ballan-qaadnay markaannu hawshan wadno ee la helo lacagta diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha iyadana inaannu qayb libaax ka qaadan doonno, isla markaana aannu si wadaag ah u wada wadi doonno haddii ILLAAHAY yidhaahdo inta doorashada laga gaadhayo.”

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, waxa uu ka warramay Cashar uu sheegay inuu ka mid yahay Duruusta uu ku bartay Kulliyadda Sirdoonka Ruushka ee KGB-da loo yaqaanno oo uu weli xasuusan yahay, waxaanu yidhi; “Markaa, waxaan leeyahay idinka laftiinnu waxaad tihiin hormuudkii ummaddan iyo Aqoonyahankii ummaddan, waxyaabaha cadawgu ku carqaladaynayo ee la innoo soo dhiibayo ee dadkeenna sida aan tooska ahayn loogu soo dhiibayo inaynu ka ilaalinno. Waxaan garanayaa markii aan ka qalin-jebinayey Kulliyadda KGB-da ee Ruushka Duruusta aan xasuusto ee aan weli maskaxdayda ka bixin waxa ka mid ah; ‘Dadkaaga inay dalkooda burburiyaan ama cadawgooda ay u shaqeeyaan.”

“Laakiin waxaa ka badan in si aan toos ahayn dadkaaga loo adeegsado inay iyagu is-burburiyaan oo micneheedu yahay Dhagar dad kale soo abaabulay in dadkeenna loo soo dhiibo, dabadeedna dhib aanay ku talo-gelini dhexdeenna ka dhaco, waxaan leeyahay markaa waa inaan iska ilaalinnaa arrintan, cadaw dibedeed baa wada, waxa la diidayaa inaynu waddaniyad Soomaaliya inaan ka go’nay aynu qaadanno, hadalkaasi dibedda ayuu innagaga yimi, maaha mid somalialnd dhexdeeda ka dhashay in dadka Mutacallimiinta ah ee aad ka mid tihiin dadkeenna ay ka ilaaliyaan in si aan toos ahayn loo isticmaalo ayaan soo jeedinayaa.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Waran-cadde.

“Waxaan doonayaa inaan yar iftiimiyo hadallo ka soo yeedhay Xisbiyada Mucaaradka ah oo odhanaya waxbaa la is-daba-mariyey ama odhanaya Wasaaradda arrimaha guduhu waxay waddaa in dib loo dhigo doorashooyinkii Qaranka ee 2015-ka, waxaan leeyahay arrintaa waxba kama jiraan, waa war dhan-xiir, waa war Nin aan xog-ogaal ahayni yidhi, Warka dhabta ahina waa kan aan immika idiin sheegayo. Dastuurkeennu wuxu caddaynayaa, in maaddaama oo aynu ka go’nay Soomaaliya, oo aynu Jinsiyaddeennii lixdkii luminnay u soo noqonnay inaynu la baxno magaceenna ah Somaliland ee Qarankani ku heshiiyey, inuu noqdo mid Astaan Qaran leh, inuu noqdo mid qoran, inuu noqdo sida caalamka mid waliba jinsiyaddeeda u sheegato ee u qoran tahay Kaadh ay ku qoran tahay inaynu samayno.” Sidaa ayuu yidhi Waran-cadde.

Waxaanu Wasiirka arrimaha guduhu intaa  ku sii ladhay oo uu yidhi; “Xeerka doorashooyinka Madaxtooyada iyo Deegaanka Xeer Lambar 20/2001, qodobkiisa shanaad farqaddiisa koowaad waxay sheegaysaa qofka Cod-bixiyaha ahi waa inuu noqdaa qof Reer Somaliland ah oo u dhashay Somaliland, waa inuu yahay qof reer Somaliland ah. Labada Kaadh midi waa Cod-bixiyeyuhu Kaadhka uu codka ku bixinayo, midna waa ka dhalashada, lama siin karo qof aan dhalashadiisa la aqoon inuu Reer Somaliland yahay Kaadhka codaynta, waayo? Sida Dastuurka Qaranka qodobkiisa afraad dhigayo waxa xaqa cod-bixiyaha leh ama wax ha doorto ama la dooranayo ama wax ha doorto isaguye qof Muwaaddin Somaliland ah.”

Waxa uu Wasiir Waran-cadde qaaddacaadda qaabka Xukuumaddu u waddo diiwaangelinta Madaniga ahi ay ku qaaddeceen ku macneeyey oo yidhi sidan; “Markaa, ninka leh ama cidda leh aynu iska diiwaangashanno Cod-bixiye iyadoo aynaan aqoon qofku inuu reer Somaliland yahay iyo in kale, anigu waxaan qabaa inuu yahay nin ku hadlaya Afkii Xasan Sheekh ee uu UN-ka (Qaramada Midoobay) u gudbiyey immika ee ahaa inaan Baasaabboorkeenna iyo Jinsiyadda cusub ee Somaliland midna la aqbalin, ninkii reer Miyiga ahaa ee Dugsiga fadhiistay ee dhinac walba Dayaxa ka arkay, wuxu yidhi; ‘Dayaxa iyo Dugsigu isku toosanaa!”

Waxaana halkaas lagu soo bandhigay Qalabka kala duwan ee lagu hirgelinayo diiwaangelinta Madaniga ah ee Somaliland iyo qaabka uu u shaqaynayo, waxaana lagu tijaabiyey Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde laftiisa, waxaanu sharraxaad uu Wasiirku ka bixiyey qalabkaas ku sheegay inuu yahay qalab casri ah oo sawiraya qofka oo dhan, fartiisa iyo indhihiisa, isla markaana aanay suuragal noqon doonin marka dadka lagu diiwaangeliyo in qofku dhawr jeer codayn karo ama codadka doorashada ku cel-celin karo ama kaadhadh badan oo kuwa cod-bixiyeyaasha ah qaadan karo.

Waxaanu sheegay in Xeerka diiwaangelinta Madaniga ah ee ay u gudbiyeen Golaha Wakiilladu caddaynayo masuuliyadda Wasaaradda arrimaha ugadaha ka saaran caddaynta Muwaaddiniinta reer Somaliland iyo qof waliba halka uu ku dhashay. Waxaanu sheegay cid kasta oo nidaamkan ka soo horjeedda ama diiddan, gaar ahaan Mucaaradku ay yihiin cid Qarannimada Somaliland ka soo horjeedda, waxaanu sheegay inaanay qaadashada Jinsiyaddu joogsan doonin weligeed ee ay socon doonto oo marka ay dalka ka wada fuliyaan, wixii dambe ay ku wareejin doonaan dawladaha hoose ee magaalooyinka dalka, isla markaana ay Xukuumad ahaan diyaar u yihiin marka la helo dhaqaalaha lagu fulinayo diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland aanay caqabad isku noqon doonin ee laga garab bilaabi doono iyagoo iyaguna doorkooda ka qaadanaya.

Somalilandpost.net