Wasiir Samsam: Ma Bannaan Tahay In Dugsiyada Hargeysa Loo Fasaxo Ciidaha Kiristanka? – W/Q: Maxamed A. Jaamac

Aniga oo ah arday wax ka barta magaalada Hargeysa waxa aan jeclaystay inaan bulshada la wadaago arrin aan la yaabay. Caadi ahaan waxa dugsiyada la fasaxaa laba goor oo kala ah bisha koowaad iyo bilaha 6-7aad ee sannad kasta, iyada oo la qaado laba imtixaan.

Dugsiga aan dhigan jiray oo ahaa Nuuradiin qaybta Jigjiga yar waxa la qaadaa saddex imtixaan oo sharciga baalmarsan, kii koowaad waxa nalaga qaaday dhammaadkii Disember/2012-ka, waxa nala fasaxay 25/Disember-02/Jeneweri/2013..

Markii aannu soo noqonay ayaan weydiiyay C/Raxmaan Maxamed Cali oo ah xisaabiyaha dugsiga Nuuradiin waxa naloo fasaxay ee tacliintayada nalooga kala gooyay waxaanu yidhi “Dugsigeennu waa mid caalami ah oo xidhiidh la leh kuwo ku yaalla Itoobiya, Jabuuti, Ingiriiska, Maleeshiya iyo meelo kale. Maalmahanna adduunku waa fasax oo ururro aynu ku jirno ayaa sharcigoodu yahay waana maalmihii Diinta Kiristaanka, sidaas ayaa la idiin fasaxay”.

Markii aan intaas aan ogaaday ayaan degdeg u dalbaday in beddelkayga la i siiyo, waalidkayna way iga aqbaleen, ee haddaba waxa aan Wasiir Samsam iyo Bulshada weydiin lahaa

1.      Maxaad kala socotaan fasaxyadan xaaraanta ah iyo saddexda imtixaan ee sharci-darrada ah?

2.      Sidee ayaa Nuuradiin looga oggolaaday inay imtixaanka form four-ka u fadhiistaan iyagoo saddex sanno waxbartay, qaanuunkuna afar sanno yahay?

3.      Maxaa tallaabo ah ee laga qaadi karaa arrimahan kor ku xusan?

Maxamed Axmed Jaamac

maxadjaamac@gmail.com