Wasiir Samsam Cabdi Aadan Waa Haldoorka Golaha Wasiirada Umana Qalanto Xagxagasho Iyo Qoraalo Xeeladaysan

Markaad meel soo gudbinayso baahiyaheeda waa in aad xog waafiya ka haysaa, si ay soo gudbintaatu unoqoto wax la qaadan karo la akhrisan karo si fududna loo fahmo isna weydiisa yaa gabay hawsha  Ma dawlada mise DADKA DEEGAANKA   isla markaana dhinacyada ay khusayso si cadaalada u tilmaantaa cida masuuliyadeeda leh sida bulshada deganka baahidu ka jirto Hay,adaha dawlada ee  ay khusayso Masuulyiinta dawlada kaga jira  ee deeganka  laga soo DOORTO sida xildhibanada G/DEGANKA IYO BARLAMANKA ,

Hadiisu qoraalkaagu uu noqdo mid shakhsi weerar ah waxaa iska cad in uu yahay qoraal xeeladaysan oo xaraareysan, oo aan xigmad buuran lahayn,

Hadii aan usoo noqdo dulucda  iyo ujeedada aan qalinka u qaatey  dhawaan warbaahinta MAREEGAHA wararka lagu baahiyo ka akhristey qoraal odhanayey AMA udhignaa  Sida tan FARIIN KU SOCOTA WASIIR SAMSAM, Oo maxay ahayd talaw fariintaaasi? Mid xeel la ?mid xog soo gudbinaysa mise mid u jeedo kale xambaarsan,

samsamDegmada Faraweyne iyo  baahideeda waxbarasho waa mid la jaanqaadaysa  Degmooyinka Dhigeeda ah  oo ay weliba qaarkood ka sareyso  kagana hormarsantahay xaga dhismayaasha Dugsiyada iyo Barayaashaba,

Waxqabadka  Wasiir SAMSAM CABDI AADAN intii ay xafiiska waxbarashada joogto

(XAQIIQDOON ISKA INDHA TIRNAAA WAA INOO XISHOODLI I )Dugsigii ugu  danbeeyey ee ay dalka ka furto waxay kasoo furtey Deegaanka  CABDI SAMAD EE Degmada FARAWEYNE Kaas oo ay mar isku raacisey furitaankiisii iyo guneyntii macalimiintiisa kudarsoo wasiir waxbarsho halkaa hore uma gaadhin,umanay suura galin in uu furitan dugsi iyo musharkood mar is raaciyo ,

Xaga mushaharka macalimiinta  80% Boqolkiiba sideetan waxaa  laguneeyey mudada wasiir samsam xafiiska joogetay  taas oo aan ahayn mid ugaara degmada faraweyne laakiin ay kala simanyihiin guud ahaan dalka oo dhan.

Isku soo wada duubo Deeganka degmada faraweyne waxaa ka dhiman uun intii ay ku biirin lahaayeen dadka kasoo jeedaa Gudo iyo dibadba,iyo isku duubnidii deegaan uu waxa uu dawlada xaqa ugu leeyahay  ku doonan lahaa .

CABDIRAXMAAN  CALI-NUR CABDI

FUAAD CABDIRAXMAAN AXMED     MAAMULAHA DUGSIGA H/DHEXE EE GADHKA YOGOL

Bulshawi82@hotmail.co