Wasiir Samaale oo ka hadlay Go’aankii Beeshiisu ku reebtay, una jawaabay Suldaanka Beelaha Subeer Awal

Cabdicasiis Samaale oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Urur-diimeedyo lala xidhiidhiyo iyo SheekhnimadiisaHargeysa (SLpost)- Wasiirka Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa markii koowaad si adag uga hadlay go’aan lagu sheegay in beeshiisu ku kala reebeen musharixiin u tartamaya jagada madaxtinimada ee xisbiga KULMIYE, isla markaana weedho hoga-tusaalayn ah u celiyey hadal Suldaanka Guud ee beesha Subeer Awal ku duray hankiisa musharaxnimo marka Madaxweyne Axmed Siilanyo dhamaysto muddo xileedkiisa labaad.

Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo shalay hadal ka jeediyey munaasibad kulmisay Aqlabiyadda salaadiinta, cuqaasha iyo waxgaradka Sacad Muuse oo si mug leh loogu taageeray go’aan guddiga horumarinta beeshaasi ee shirkii Hoodaale ku kala reebeen siyaasiyiinta shaaciyey inay murrashaxiin ka yihiin xisbiga KULMIYE kadib Madaxweyne Siilaanyo, iyagoo ku doortay Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo ay ka reebeen Wasiirrada Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Maxamed Biixi Yoonis.

Suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Sul. Cabdillaahi Sul. Cabdiraxmaan waxa uu halkaas hadal duur-xul iyo hoga-tusaaleyn u muuqday uga jeediyey Wasiirrada Beeshu sheegtay inay ka reebtay murashaxnimada Madaxweynaha Kulmiye, gaar ahaan Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Samaale, isaga oo sheegay, “Waxa aan u mahadnaqayaa Wasiir Cabdicasiis Maxamed Samaale oo afartaa caano-maal ee ka dambeeyey go’aankan aynaan ka maqal wax hadal ah, waxaan filayaa inuu u bislaaday siyaasadda oo uu xogogaal u yahay in marka beeshaadu ku qabato, isagoo u soo joogay siyaasiin badan oo dalka ah oo markay eherlkooda iyo xigtadoodu qabtay addeecay, maanta mar haddaynaan waxba ka maqal waa inankeenii oo siyaasi ah oo sharaf wayn inaga mudan,” ayuu yidhi Suldaan Xasan Sul. Cabdillaahi Sul. Cabdillaahi, waxaannu intaa raaciyey, “Ragga maanta la hakiyey waa madaxdeennii oo ma kala jeclin oo waa isugu keen mid, kayd bay inoo yihiin maanta wixii ka dambeeya, waanaynu u aqoonsannahay inay hankaa leeyihiin.”

HALKAN GUJI SI AAD U AKHRISATO WARKAN OO DHAMMAYSTIRAN