Wasiir SAAJIN oo Rejo ka muujiyey Inuu ku guulaysto Kursiga Kulmiye ee SAYLICI ku fadhiyo

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Somaliland Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), ayaa ka hadlay hankiisa musharraxnimo, rejada uu ka qabo tartan uu ugu jiro Guddoomiye ku-xigeenka 4-aad ee Xisbul-xaakimka Kulmiye.

Wasiir Saajin wuxuu sheegay inuu sheegay inuu buuxiyey Shuruudihii looga baahnaa Musharrax u ordaya kuraasta Hoggaanka Xisbiga Kulmiye, sidaasi darteed uu u rejo ka qabo inuu ku guulaysto xilka Guddoomiye ku-xigeenka 4-aad ee Xisbiga Kulmiye oo uu hadda ku fadhiyo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaa Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).

Sida aanu ka soo xigannay Wargeyska Geeska Afrika oo xog-waraysi la yeeshay, wasiir Saajin ayaa beeniyey hadal uu Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi ku sheegay inaan Wasiir Saajin Xisbiga Kulmiye ka mid ahayn muddo gaadhaysa 5 sanadood, sidaasi darteedna aanu xaq u lahayn inuu u tartamo Hoggaanka Xisbiga Kulmiye, waxaanu yidhi, “Anigu Maxamuud Xaashi Xisbiga ima soo galin, markii ay Abu Dubai yimaaddeena waan ku jiray Xisbiga oo Madaxweyne Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ogaa  inaan Xisbiga ku jiray, ololaha oo qudhana Xisbi laguma soo galo ee hore ayaan uga tirsanaa, markii dambana waan ololeeyey, sidaas darteed Maxamuud Xaashi waxaan waxba ka jirin ayuu sheegay ee ha ka fiirsado waxyaabaha uu ku hadlayo.”

Wasiir Saajin wuxuu sheegay haddii aanu Xisbiga ka mid ahayn muddo dheer uu ku hadhi lahaa shuruuddii loo dhigay Musharraxiinta u tartamaya Hoggaanka Xisbiga, laakiin maaddaama oo uu muddo dheer ku jiray uu xaq u yeeshay uu tartamayaasha ka mid noqdo  “Xisbiga Kulmiye wuxuu leeyahay Xeerar, shuruuc iyo sharci la raaco, haddii aanan buuxin lahayna Xeerka Xisbiga ayaaba i reebi lahaa, sidaas oo ay tahay waan buuxiyey Shuruudihii la igu xidhay”.

Wasiirka oo Wargeyska Afrika waydiiyey rejada uu ka qabo inuu ku guulaysto Kursiga Guddoomiye ku-xigeenka 4-aad ee Xisbiga Kulmiye oo uu hadda ku fadhiyo Madaxweyne ku-xigeenku ayaa ku jawaabay “Wax walba gacanta ILLAAHAY ayay ku jiraan, wixii soo socdana ILLAAHAY ayaa og, laakiin rejo aad u fiican baan qabaa, insha allaahna waan guulaysan doonaa,” sidaas ayuu yidhi Wasiir Saajin.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net