Wasiir Raygal oo ka hadlay u diyaar-garowga Ciyaaraha Goboladda

Hargeysa (SLPOST)-Wasiirka wasaarada Dhalinyarada iyo Cayaaraha Md. Cali Siciid Raygal ayaa sheegay in Tartanka ciyaaraha Gobolada Dalka ee sanadkan oo ay ka qayb qaadanayaan dhammaan Gobalada dalku uu ka dhici Doono caasimada dalka mudadii hore loogu cayimay ee 2-da bisha soo socota ee June.

Wasiirka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in tartanka ciyaaraha Gobolada oo ay ka qayb qaadanayaan 13ka Gobol ee Dalku ay wasaaradu u diyaar garawday sidii ay si habsami ah ugu Qabsoomi lahaayeen, waxaana wasiirku Shacbiga ku dhaqan caasimada Hargaysa ugu baaqay in ay si mugleh uga qayb qaataan soo dhaweynta kooxaha ciyaartoyga ah ee ka kala imanaya Gobolada Dalka oo caasimadu ay marti galinayso.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaruhu waxa uu in taa ku daray in Gobolada looga baahanyahay in ay dhinacooda ka soo tabaabusheeyaan kooxaha ciyaartoyga ah ee Gboladooda uga qayb qaadanayan tartanka ciyaaraha gobolada si waqtiga ku haboon ay u soo gaadhaan caasimada Hargaysa ee ciyaaruhu ka dhacayaan, si aan dib u dhac ugu iman.

somalilandpost.netwasiirka-ciyaaraha-300x225