Wasiir Maxamuud Xaashi Oo Ka Xog-warramay Waayihiisii SNM (3)

Maxamed-Xaashi-CabdiQaybtan saddexaad ee taxanaha bandhigga sooyaalka Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland waxa ay si faahfaahsan uga hadlaysaa muddadii uu Maxamuud Xaashi Cabdi ka mid ahaa dhaqdhaqaaqii Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM, waxaanan  ka cudurdaaranayaa inaan soo celiyo weedho aan badnayn oo ku jiray qormadii labaad ee shalay oo aan mahuraan u arkay inaan dhigaalkanna ku daro.

Mujaahid Maxamuud Xaashi oo faahfaahinaya halkii uu tegay markuu halganka ku biiray, aqoontii uu bartay, dagaalkii koowaad ee uu toos u galay iyo qoonde halis ah oo loogu talo-galay inay ka fuliyaan gudaha magaalada Burco ayaa yidhi “Waxaan tegay magaalada Awaare, arday qiyaas ahaan ku dhaw 2000 ayaa u socdaalay dhanka Itoobiya markii ay arkeen sida maamulka milatarigu u dhaqmayo halkaas ayaa aniga iyo arday kale oo tiradayadu dhan tahay 20 oo lagu xulay intayadii luuqadda Ingiriisida sida wanaagsan ugu hadlaysay ayaa loo diray waxbarasho waxaana nala geeyay Hamaraysa.

Waxa sidoo kale na wehelinayay soddon dhallinyaro ah oo ay jabhaddii SSDF ka keentay meelo kale, guud ahaanna konton ayaanu ahayn, waxaanan galay dugsiga siyaasadda ciidamada Itoobiya muddo sanad ah ayaan halkaa ku jiray. Niman khubaro ah oo ajaanib ayaa bareyaal noo ahaa, afka aannu wax ku dhigan jirnayna waxa uu ahaa Ingiriisi waxaanan soo barannay sida dadka loo kiciyo, sida qaraxyada cadawga loogu geysto, sida loo dhigo kaartooyinka lagu shirqoolayo nacabka IWM markaan wax barashadaa soo qaatay ee aan soo bartay sida dadka loo kiciyo waxaa la noo diray gudaha dalka.

Maadaama oo aan arrimahaa soo barannay dagaalkii koowaad ee aan ka qaybgalay waxa uu ahaa kii Lebi-sagaalle oo ay ciidamada SNM isu soo urursadeen, halkaa waxa deggenaa ciidan aad u xoogbadan oo la yidhaahdo Maalin-guur oo waxa ay kibir, isla weyni iyo awood inta ay ka qabaan aan isku xeerin miino daafacda, caadi ahaanna ciidamada xuduudaha degaa waxa ay isku wareejiyaan miinooyin gaashaan ah. Ciidamada SNM waxa ay ahaayeen kuwo la isaga keenay Bari iyo Galbeed dhacdo aad u adag ayay ahayd waxaana laga fekeray sidii loo naafayn lahaa ciidamada deggan jiidda xadka waxa la dejiyey qorshihii lagu hawl-gali lahaa  waxa la daraasadeeyay halka uu cadawgu ka nugul yahay iyo dhinacyada uu ka xooggan yahay, weerarradii Balli-dhiig iyo Taallabuur waxa ay ay ka mid ahaayeen gulufyadii ugu adkaa ee la isku waajahay.

Waxa aan ka mid ahaa unugtii jidgooyada ka gashay waddadan ka tagta Balli-shire ee gudaha dagaal fool ka fool ah oo aan galana kaas ayaa iigu horreeyay, muddo markii la joogay waxa aan qabtay dhinaca Bariga ee uu ka socday halgankii SNM, waxaana naloo xilsaaray inaanu gudaha u tallawno oo aannu barbaarta Togdheer kicinno aniga iyo nin la odhan jiray Axmed-Keyse ILLAAHAY ha u naxariisto ee oo isna reer Burco ahaa waxaan kasoo dhaqaaqnay magaalada la yidhaahdo Daalaco ilaa Burcona lug ayaanu ahayn. Weligay dhulkaa ma arag kumana socdaalin balse waxa na hagayay khariirad aannu sidannay. Hubna waannu sidannay gaar ahaan anigu qori iyo laba bamboo ayaan watay aadna waannu isugu kalsoonayn”

Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka warramaya qaar ka mid ah waxyaabihii ugu yaabka badnaa kolkii ay ka soo kicitimeen xarumihii SNM ee ku yaallay Itoobiya ku socdeen dhanka Burco ayaa yidhi “waxyaabihii iigu yaabka badnaa waxa ka mid ah marka geesinnimadaadu xadka dhaafto waxa aanu soo gaadhnay meel la yidhaahdo Boodhlay oo markaa caan ku ahayd basaasidda isla markaana hore loogu khaarajiyay sagaal nin oo SNM oo sidayada gudaha u galay, dadka deegaanku waxba may basaasi jirin ee waxa shaqadaas yaqaannay kuna caan-baxay nin meesha haydh maan ka ahaa oo dawladda xidhiidh la lahaa.

Waanu daallanayn oo habeen iyo maalin ayaannu soo socnnay hubna waanu sidannay wixii aannu dokumentiyo haysannayna meel ayaannu ku soo aasannay ayaa judhiiba waxa na gartay dad kobtaas joogay oo ku shaqaysan jiray jaajuusnimada illaa Awaarena u iman jiray si ay halgameyaasha u bartaan anaguna dad muuqda ayaannu ahay sidaas ayaanay kolkiiba noo aqoonsadeen, intii aan wax kale dhicin ayaanu hilib degdeg u dalbannay oo aanu u cunnay feejignaan iyo taxaddar bandanna waanu ku jiray, isla markiiba waxa aanu tuuladii uga baxnay jiho aan ahayn tii aanu ka soo galnay goobtiina waxa laga qabtay gaadh wareeg ah, nasiib wanaag waa ay baqayeen oo nagama ay daba iman annagana cabsiyi waa naga dheerayd qoryihiina meel baraago ah ayaannu ku qarinnay dhulka hoostiisa”.

Wax la socdaba markii ay Maxamuud Xaashi Cabdi iyo jaallihiisii wehelinayay caga-dhigeen Burco maxaa ka hirgalay ujeeddadii ay lahaayeen? Maxa ay hagardaamo la kulmeen? Goorma ayaa ay dib u laabteen? Weydiimahaas waxa mar kale ka jawaabaya Wasiirka Duulista Somaliland oo yidhi  “Amin barqo iyo hadh cad ayaannu soo gudubnay kaantaroolka Burco waxaanu ambaqaadnay masuuliyaddii na loo igmaday ee ahayd habkaannu u kicin lahayn oo aanu ugu guubaabin lahayn in ay da’yartu SNM la shaqeeyaan oo ay hubka qaataan ilaa xataa hadday suuragal tahay haddii halkooda lagu hubayn karo, hawshan oo ahayd mid aad u adag oo hawsheeda leh oo is qarinteeda leh oo cabsideeda leh oo adkaysigeeda leh, hawshaana si wanaagsan ayay noogu fushay. Anigu waayo ayaan Burco ku negaaday waxaanan kula kulmay dhibaato qoys gaar ahaana waxa ayaamahaas geeriyootay Alle ha u naxariistee hooyaday oo gaadhi jiiday, xagga dib-u-laabashada laabashadana waan ka dambeeyay saaxiibkay Axmed-Keyse.

Wax yaabihii iigu darnaa waxaa ka mid ahayd markaa aan Burco hawl galka u joogay ayaa waxaa maalin maalmaha ka mid ah anigoo is qarinaya oo is dhuubaya ii yeedhay oo i gartay nin ka mid ah ardaydii aanu Hamaraysa wada galay oo intuu soo galay noqday sarkaal nabad sugid ah, maalintaasi waxay ahayd maalintii iigu adkayd ama maalmihii iigu darnaa mid ka mid ah. Dharaartaas ayaan go’aansaday inaan Burco ka baxo, aniga oo raadgadanaya ayaa aan gaadhi raacay waxaanan u baxay dhanka Jabuuti halkaas oo aan ka soo galay Itoobiya sidaas ayaanan ku sii waday halganka. Duruufo badan oo isugu jira goobihii guusha, kuwii jabka, wakhtiyadii la sigtay iyo kuwo kale oo badan oo u baahan in laga fekerona waan maray. Intii dambena waxa aan u badnaa dhanka maamulka oo waxa aan la shaqayn jiray qaybtii Madiina gaar ahaan magaalada Doqorshay oo aannu ka taagnay nidaam toosan oo cashuur iyo kala-dambayn leh, maadaama oo aannu ciidamadii deegaannadaas xaruntoodu ahayd siinnay kab dhaqaale waxa ay noqdeen askar ka tirsan hormoodkii dhaqdhaqaaqa SNM”.

Wasiirka oo xusaya shirarkii iyo kulannadii ugu muhiimsanaa ee u qabsoomay intii uu SNM ku jiray isla markaana uu ka qayb-galay iyo habkii hoggaamineed ee ururkaas ayaa yidhi “Runtii maadaama oo aan xilligaas ahaa nin dhallinyaro ah oo aan talada gu’na ku soo gelin, hal-doornimo weynna aan ku soo gelin, badanaa shirweynayaashaas hore nasiib uma helin aan kaga qayb galo. Madal lagu gorfeynayo siyaasadda SNM oo aan ka soo xaadiro waxa iigu horreyay shirweynihii Balli-gubadle oo ahaa madal weyn, miisaan badan, taariikh iyo mudnaan door ahna leh. Iyada oo cadaw la is hayo ayaa haddana khilaaf iman karayay halgankuna Seylac illaa Ceerigaabo ka socday maraakiibna lagu qabsanayay.annaga oo shirka fadhina.

Waxa aad arki kartaa marka ay bulsho leedahay yool iyo abbaar sugan inay fududdahay in himilada la gaadhaa, taas micnaheedu ma aha SNM sida ul iyo diir ayayisku wada ahayd ee dhaliilaleeda, is-garbinteena, xil iska riixashadeeda iyo kuwo kale ayay lahayd. Waa duruufo bani aadamka ku abuuran oo waa la tartamayay haddana waxa xusid mudan sida loo hannaynayay marka laga helo, waana sunnaha iyo khibradda aynu maanta halkan kaga dhaqmayno, dad badan ayaa u haysta in nidaamkan dibadda la inooga keenay ee hore ayaynu u naqaannay. Markaa waxa aan ka xusi karaa waxa uu ahaa halgan hubeysan oo dagaal dhinac kaga jira, dhan kalena bulshada siyaasadda baraya oo is-beddelkiisa iyo taariikhdiisaba leh”

La soco qaybta 4aad haddii Alle idmo

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

saedmgahair@hotmail.com