Wasiir Maxamed Kaahin oo Eedaymihii ugu Cuslaa u jeediyey Guddoomiye Cirro “Wuxuu u jeeday inaanu ISIR wadaagno Nimanka Falka fuliyey”

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa jawaab ka bixiyey eedaymo uga yimi Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, gaar ahaan Guddoomiyaha Xisbigaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo Wasiirka ku eedeeyey xil-gudasho la’aan la xidhiidha Koox Dabley ah oo dhawaan deegaan ka tirsan gobolka Sool ku dilay laba sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Booliska iyo Asluubta.

Wasiir Maxamed Kaahin waxa uu ku eedeeyey Guddoomiyaha Xisbiga Waddani inuu si badheedh ah eedaymihiisa ugu weeraray shakhsiyaddiisa wasiir ahaan oo uu isku xidhay haybta Wasiirka iyo gacan-ku-dhiigleyaasha dilka geystay.

 

Muuqaalkan Hoose ka daawo Faahfaahin warkan