Wasiir Maxamed Biixi oo ka Qaybgalay shirweynaha 25aad ee Golaha Dhaqaaalaha Adduunka oo maanta Furmay

Cape Town (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa ka qayb-galay shirweynaha 25aad ee Golaha Dhaqaalaha Adduunka (World Economic Forum) oo maanta ka furmay magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika, kaas oo ay ka qayb-galayaan in ka badan 250 ergay oo isugu jira Ganacsato, Siyaasiyiin, Aqoonyahan, bulshada rayidka ah iyo warbaahin ka kala socota 75 Waddan oo adduunka ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo shalay gelinkii dambe ka dagay magaalada Cape Town ee dalkaas, ayaa shirkan ka qayb-galaya kaddib markii uu soo dhammaystay socdaal uu maalmihii u dambeeyey ku joogay waddamada Galbeedka Afrika gaar ahaan dalka Sierra Leone oo uu kaga qayb-galay shir-sannadeedka Baanka Horumarinta Afrika.

IMG_1781Sidaasna waxa lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, kaas oo lagaga hadlay muhiimadda ka-qayb-galka shirkani u leeyahay Somaliland, waxaana lagu yidhi, “Ujeedada safarka Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL, Mudane Maxamed Biixi Yoonis ee Koonfur Afrika ayaa la xidhiidha Shirka 25aad ee Dhaqaalaha Adduunka (25th World Economic Forum) oo dalkaasi martigeliyay, kana dhacaya magaalada Cape Town 3-5-ta bisha June laguna martiqaaday dawladda Somaliland. Shirkan ayaa lagu tilmaamay inuu yahay shirkii ugu weynaa ee noociisa ah ee lagu qabto gobolka, waxana ka soo qaybgalaya inka badan 90 wasiiro, saraakiil sarsare iyo hoggaamiyayaal kala duwan, 83 shirkado ganacsi waaweyn oo caalami ah iyo dhinacyo kale oo guud ahaan ku metelaya 75 waddan.

Shirkan oo halku dheggiisa loo qaatay “Horraysiyo Dambaysaba: Malee Mustaqbalka Afrika” (Then and Now: Imagining Africa’s Future) ayaa lagaga hadli doonaa halkay gaadhay qaaraddu dhaqaale ahaan, bulsho ahaan iyo siyaasad ahaanba intii ka dambaysay 1990-kii iyo sidoo kale iyadoo la kaashanayo waaya aragnimada, hal-abuurnimada iyo khayraadka daneeyayaasha oo kala duwan sida wajahi karo horumar buuxa, lagana gudbi karo caqabadaha jira.

Shirkan ayaa aad diirada u saaraya horumarinta ganacsiga iyo hannaanka iskaashiga/isku xidhka xagga dhaqaalaha ee qaaradda Afrika. Waxa ka mid ah qodobada lagu lafa guri doono sidii wax looga qaban lahaa arrimaha tahriibka iyo la dagaalanka argagixisada oo saamayn ku leh dhaqaalaha Afrika

IMG_1777Ka qaybgalka shirkan iyo guud ahaan safarada shaqo ee Wasiirka Arrimaha Dibaddu ku gudo jiro todobaadadii u dambeeyay ayaa qayb ka ah dadaalka xoogan ee xukuumadda Somaliland ugu jirto xoojinta iyo kor u qaadida siyaasadda arrimaha dibadda dalka Somaliland ee kasbashada xidhiidhka iyo iskaashiga wadamada iyo jilayaasha dunida, horumarinta qadiyadda madaxbannaanida JSL iyo ictiraaf raadinta, soo jiidashada maalgashiga iyo taageerada caalamka ee dhinacyada kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo ganacsiga, arrimaha bulshada, nabadgelyada iwm.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo shalay gelinkii dambe ka dagay magaalada Cape Town, waxa ku weheliyay safarkiisa la-taliyihiisa gaarka ah Nimco Cilmi, waxaana garoonka diyaaradaha ee magaalada Cape Town ku qaabilay Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee Koonfur Afrika Keyse Mursal iyo Xubno ka tirsan Jaaliyadda magaalada Cape Town.

Somalilandpost.net