Wasiir Maraykan ah oo ku shaqo taga baaskiil

Wasiir u ka tirsan golaha wasiiradda ee dalka Maraykanka ayaa go’aansaday inuu maalin walba sadex saacadood isticmaalo baaskiil. Wasiirka korontada iyo awooda nugliyeerka ee dalka Maraykanka Mr. Nabiil Asnnani ayaa gabi ahaanba ka takhalusay gaadhigiisi shaqada isla markaana ku ooday meel geerash dawladeed ah. Taa badalkeedi waxa uu wasiirkani isticmaali doona baaskiil halka uu dirawalkiisina mid labaad uga soo iibshay. Wasiirkan oo isagu asal ahaan ka soo jeeda dalka Lubnaan wuxuu ka mid yahay dadka sida wayn ugu ololeeya arrimaha deegaanka iyo bii’adda. Wasiirkani wuxuu balan ku qaaday sanadkii hore marka la gaadho bisha july ee xornimada Maraykanka inuu gabi ahaanba ka takhalusi doono gaadhigiisa. Dhinaca dirawalkiisa gaarka ah ayuu sheegay in aanu shaqadiisi waayi doonin ee uu baaskiil labaad uu ugu wehel yeeli doono. Warbaahinta oo maalintii daraad ka soo raacday wasiirka gurigiisa ayaa sheegay inuu mudo sadex saacadood ah maalin walba isticmaali doono baaskiilka saacad iyo badh shaqo taga ah iyo saacad iyo badh soo noqoshada ah. Waxa uu wasiirku maray dhul baabuurtu ku yar tahay wuxuu ka dhex booday meelo luuq luuqyo ah, meelo badan oo baabuurtu cidhiidhi ku jireen muu arag wasiirku wuxuuna ka dhinac boodayay si aan rabshad lahayn. Si kastaba ha ahaatee wuxuu wasiirkani muujiyay in dhaqaalaha iyo degaankaba la badbaadin karo, isagoo waliba jooga oo ka wasiir ah dalka aduunka ugu qanisan uguna wax soo saarka badan. Sidoo kale wadihiisi gaadhiga kamuu eryin shaqadii. Inkastoo wasiiru maalin walba u baahan doono laba labis oo guriga iyo xafiiska u kala yaala si marka uu dharka gaagaaban iska bixiyo uu u xidho dharkii shaqada.