Wasiir Mansab/Hanti umaddeed ugu ololeynaya Hanashada Guddoomiyenimada Xisbiga Kulmiye

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa maanta munaasibad qado-sharaf ah oo uu Odayaasha iyo waxgaradka Beeshiisa [Sacad Muuse] ugu sameeyay Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa kaga dhawaaqay inuu isu soo taagayo mansabka Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE marka la gaadho shirweynaha xisbigaasi oo qabsoomaya bisha saddexaad ee sannadkan.

Md Samaale oo hanka xilka guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo ololaha uu ku kasbanayo bilaabay isaga oo gacanta ku haya mansab dawladeed iyo xoolo-umadeed, ayaa munaasibaddan ku soo casuumay ardaayada Beesha Sacad Muuse, isaga oo ka dalbaday inay ku taageeraan guddoomiyenimada Xisbiga Kulmiye.

SamaaleMarti-qaadka Wasiir Samaale u sameeyey Beesha Sacad Muuse, ayaa ku soo beegmay labada maalmood ka dib markii munaasibad noocan oo kale uu Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Hargeysa ugu sameeyey Odayaasha Beesha maanta uu marti-qaaday wasiir Samaale.

In kasta oo aan la saadaal karin biyo-shubka loollanka xisbiga Kulmiye ee wakhtigan ka dhexbilaabmay Wasiirka Samaale iyo Guddoomiye Muuse Biixi, haddana waxa aan la dafiri karin doorka waayo-aragnimada hoggaaminta Kulmiye iyo xubnaha ku jira Goluhu ku leedahay hanashada guddoomiye-nimada Xisbigaas, wallow ay jiri karto taageero lagu kala badan yahay dhinaca xubnaha xisbiga ee mansabyada kala duwan ka haya xukuumadda.

Libaan Xaaji

Somalilandpost.net

London, UK/Office