Wasiir ku-xigeenkii hore ee Amniga oo Buug ka Qoray Xadhiggiisii iyo Dhacdadii Gurigiisa lagu weeraray

Hargeysa (SLpost)- Wasiir ku-xigeenkii hore ee Waaxda Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Kulmiye, Cabdilaahi Abokor Cismaan, ayaa markii u horeysay ka hadlay Dhacdo Ciidamada Ammaanku wakhti habeenimo ah ku weerareen Gurigiisa magaalada Hargeysa badhtaha sannadkii hore.

cabdilaahi AbokorCabdilaahi Abokor oo xukuumaddu ku eedaysay inuu hawlanaa falal ammaanka ka dhan ah iyo inuu Aflagaaddo Qaran ku kacay, ayaa sababtay in go’aan maxkamadeed oo lagu fuliyey Xukun saddex sannadood ah uu ugu jiray Xabsiga Dhexe ee magaalada Hargeysa lixdii bilood ee ugu dambeeyey balse lagu waxa maalintii Isniinta ee todobaadkan cafis madaxweyne lagu sii daayey.

Wasiir ku-xigeenkii hore ee Ammaanka oo maanta warfidiyeennada ugu warramay isaga oo ku sugan casuumad xisbiga UCID u fidiyey, waxa uu sheegay inuu buug ka qoray dhacdooyinkii ku xeernaa xadhiggiisa muddadii uu xidhnaa iyo dhacdadii lagu weeraray gurigiisa oo uu ku tilmaamay mid aan qalbigiisa ka go’in oo xannuunkeeda lahayd, waxaanu ku dooday inaanay bulshada Somaliland fahmi karin xilligan qorsheyaashii laga lahaa xadhiggaas haddii uu ka hadlo, balse waxa uu ballan-qaaday inuu fasiraadda Dhacdooyinkaas bulshada ugu soo bandhigi doono Buugga uu Xabsiga dhexdiisa ku qoray oo wakhtigan qabyo ah.

HALKAN KA DAAWO

Somalilandpost.net