Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Oo Ka Warbixiyay Waxqabadka Wasaaradda Ee Sannadihii Tagey

Hargeysa, (SLpost)- Wasiirka ku xigeenka wasaaradda
waxbarashadda iyo tacliinta sare ee Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha u qabsoomay mudadda shanta sano ah ee aywxukuumadda Kulmiye talladda dalka haysay, waxaanu yidhi “wasaaradda waxbarashadda waxay ka shaqaysaa maamulka waxbarashadda dalka iyo maanka ardayda sidii kor loogu qaadi lahaa, ee wax loo bari lahaa, horumarna loo gaadhsiin lahaa, wasaradda waxbarashadu waxay ka kooban tahay 11 waxaad, waxaanay kala yihiin, waaxda dugsiyadda sare, waaxda dugsiyadda dhexe, waaxda kormeerka, waaxda maamulka, waaxda waaxda waxbarashada dadban, waaxda shaqaalaha, waaxda qorsheynta, waaxda lamaanaha, waaxda imtixaanka, waaxda manaahijta iyo waaxda waxbarashada gaarka ah.

Wasaaradda waxbarashadda shaqaale aad u tiro badna ayaa ka hawlgala, oo ay tiradoodu gadhayso ilaa 6557, oo qof guud ahaan “xarunta wasaaradda waxbarashadda ee Hargeysa waxaa ka hawlgala shaqaale ay tiradoodu gaadhayso ilaa 285 qof tiradda dugsiyadda sare kuwa dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay  waa 120 dugsi, waxa kale oo jira dugsiyadda dhexe oo tiradoodu thaay 1164 dugsi dawli iyo private ba waxa kale oo jira dugsiyadda farsamada gacanta oo laba ay ugu muhiimsan yihiin dugsiga farsamadda gacanta ee Hargeysa iyo dugsiga farsamadda gacanta ee Burco.

Waxa kale oo ka mid ah dugsiyadda wasaaradda wxbarashadda hoos yimaadda dugsiyadda baahiyaha gaarka ah oo iyaguna sida dadka caafimaadka qaba wax loo barayo in iyagana  waxbarashadooda aad loogu dedaallo, kuwaasi oo ka kal ah labadda dugsi eek u kala yaala Hargeysa iyo mid ka jira Boorama”.

Wasiir ku xigeenku waxa uu sheegay in waxqabadka wasaaradda waxbarashadu uu aad u badan yahay, hase yeeshee haddii markaasi guud looga hadlo qaybaha ugu muhiimsan, ay ka mid yihiin “tiradda fasaladda la dhisay ee loogu tallogalay in ardaydu ay wax ku bartaan ee la kordhiyay mudadii ay talladda dalka haysay xukuumadda Kulmiye ee uu hogaamiyo, madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, waa 7788 fasal ayaa la dhisay mudadaa shanta sanadood ah.

Waxaa markaa halkaasi kaaga muuqanaysa sida ay xukuumadu ugu dedaalayso in loo horumariyo waxbarashadda, oo ah meelaha aasaasiga  u ah ama laga eego horumarkeena. Korodhka tiradda ardayda dugsiyadda hoose dhexe kuwa dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahayba, marka laga soo bilaabo sanadkii 2010 waxay tiradda ardaydu ahayd 19003 arday, imikana ardaydu waxay gaadhayaan 218215 haddii lagu eego korodhkaasi boqolay waxay  noqonaysaa ilaa 13% ayay kordheen, wax  hoos u dhac ahina ma jiro, tiradda ardayda dugsiyadda sare dawli iyo gaarba 2010 waxay ahaayeen 26343 arday, maantana waxay maraysaa tiradda ardaydu 43517 arday, markaa sida ay tiradoodu u korodhay waa wax inoo muuqda waxaanay korodhay 39%.

Tiradda ardayda waxbarashadda dadban iyagna sanadkii 2010, waxay ahaayeen 38935 arday wakhtigan aynu maanta joogno ee 2015ka korodh ayaa ku yimid waxaanay  gaadhaysaa afartan kun sagaal boqol iyo sodon arday, waxaanay korodhay 5%”.

Somalilandpostnet