Wasiir Ku Xigeenka Qorshaynta Oo Ka Waramay Shaqaaqadii ka dhacdey deegaanka Xariirad

Borama (SLpost)-Wasiir ku xigeenka Wasaarada Qorshaynta ee Somaliland Md. Xasan Daahir Dhimbiil ayaa ka waramay halka uu marayo hawlahii dhinaca baadi doonka nabada ahaa ee ay xukuumadu ka waday degaanka Xariirad, waxana uu tilmaamay in hawshaasi ay meel wanaagsan marayso loona balan sanyahay dhawaan.

“Waxa ay wax walba marayaan meel fiican, waxa deegaankaas ku sugan odayaal guurti ah oo ku hawlan sidii loo kala guri lahaa mago aan kala xukunay, waxa loo balan san yahay in 15 maalmood kadib degaankaas mar kale ay xukuumadu ku noqoto oo ay indhaha soo saarto meesha ay marayaan hawlahu, isla markaana loo guntado sidii loo sii amba qaadi lahaa hawshaas loogu gogol xaadhayo nabada degaanka Xariirad” ayuu yidhi Wasiir ku xigeenku.

qorshaynta

Mar kale waxa uu Wasiir ku xigeenku dib u milicsaday sida uu xaalku ahaa ka hor intii aanan nabad darka loo xidhin waxana uu yidhi “Waxa aan tagnay Xariirad iyada oo ay labada beelood kala fog yihiin, iyada oo aanan dugsiyada la wada dhigan oo la kala dhigto, iyada oo aanan la wada hadal oo la kala waji dadbo, Alxamdu lilah, waxa noo suuro gashay in aan isa soo hor fadhiisino oo aan wada hadal siino labadii beelood, waxa ay wada hadal dheer kadib sheegteen Aanooyin 10 ah oo labada dhinacba ah, waxa aan kala xukunay 8 kamid ah oo ku taariikhaysnaa inta ay Somaliland jirto, labada kale oo dib ugu noqonayay Somaliland ka hor, waxa aan u daynay iyaga oo aan nidhi ku heshiiya, waxa loo balan san yahayna waxa ay tahay in 8 daas kiis ee aan xukunay la fuliyo, iyada oo la ogyahay in dadka ay duruufo adag ku jiraan hadana waxa naga go’an waa in nabada laga gun gaadho”.

Somalilandpost.net

Borama