Wasiir ku-xigeenka Dhalinyarada oo Xilka ku wareejiyey Maareeyaha Cusub ee Xafiiska Xidhiidhka Raashinka Somaliland

Xilwareejinta Labada MaareeyeHargeysa (SLpost)- Maareeyaha Cusub ee Xafiiska Xidhiidhka Raashinka Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi, ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugala wareegay Maareeyihii hore ee hay’addaas Yuusuf Cismaan Garas oo immika ah Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

Labada masuul ayaa qayb ka ah Isku-shaandheyn madaxweyne Siilaanyo horaantii bishan ku sameeyey Golihiisa Xukuumadda, taas oo xambaarsanayd magacaabis, isku-beddel iyo Xil-ka-qaadis.

Munaasibad ay Xilka kula kala wareegayeen labada masuul oo ka dhacday xarunta hay’adda, ayaa waxa ka qaybgalay shaqaalaha Xafiiskaasi raashinka Somaliland, Wasiirka Ciyaaraha, Wasiir ku xigeenka Ganacsiga, Madaxa Xafiiska Samafalka Madaxtooyada iyo Agaasimeyaal.

Maareeyihii hore ee Xafiiska Raashinka Somaliland Yuusuf Cismaan Garas oo ugu horeyn ka hadlay munaasibada, ayaa ka warbixiyey wax-qabadka uu ku tallaabsaday muddadii uu xilkaas hayey, waxaanu yidhi, “Xafiiska Xidhiidhka Raashinka Somaliland markii naloo dhiibay waxa aanu ugu nimid wax ka yar 40,000 dollar , Wax Gaadiid Ah waxaanu ugu nimid hal gaadhi oo markaa ku jiray geerash, maantana waxa aan kugu wareejinaynaa in hay’addu leedahay saddex gaadhi oo midi gawaadhida madaxtooyada uu la qiimo yahay, waxaanu kugu wareejinaynaa laba Landcrueser oo mid nooca dambe ee maalinta dambe naloo dhiibay yahay oo V8-ka ah oo ay nagu caawisay hay’adda WFP, runtiina mahadnaq ayaan uga soo jeedinayaa madaxda hay’adda WFP, waxa kale oo ka mid ah gaadhiyar oo bass ah oo nooca shaqaalaha lagu qaado ah.”

xilwareejin garasIsaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Miisaaniyada aad maanta xafiiska ugu imanaysaa waxa ay tahay 533 milyan, waxa kale oo aanu kugu wareejinaynaa heshiiskii oo dhamaystiran iyo wax alla wixii aanu mashaariic dadka u haynay oo runtii iyaduna hawshoodu bilaabmayso.

Waxa kale oo iyaduna ka mid ah guusha aanu gaadhnay ee ay WFP ay nala qaadatay in raashinka wadanka ka soo baxa ee dalaga aynu beerano ah inay iibsadaan marka uu ka soo baxo dalagaasi shuruudaha u yaala, oo ay imanayso in anagu aynu marka hore beerano wax ina dheer oo hadaynaan beeran wax ina dheer dee waxba ma iibin kartid markaa marka hore waa in aad wax ku dheer la timaadaa ugu yaraana waxa aanu isla qaadanay waar hadii aad wax soo saartaan gobolada bari ee bilaa raashinka ah ayaanu geyn karnaa marka lagaba tago Somaliland-ta kale oo dhan,” ayuu yidhi Yusuf Garas.

Maareeyayaha cusub ee Xafiiska Xidhiidhka Raashinka Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa ballan-qaaday inuu wadashayn wanaagsan la yeelan doono wasaaradaha iyo hay’ada WFP ee xidhiidhku ka dhexeeyo, waxaanu adaxweyne Siilaanyo ugu mahadnaqay xilkan uu u magacaabay, isagoo tilmaamay in aanu maanta halkan hadal badan ka odhan doonin maadaama oo isagu yahay ka xilka la wareegaya.

Wasiir ku xigeenka Ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ammaanay wax-qabadka Maareeyihii hore, waxaanu Maareeyaha cusub illaahay uga baryay inuu xilkan u fududeeyo oo hawsha uu halkaasi ka sii wadi doono.

Dhinaca kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Madaxa Xafiiska Samafalka Madaxtooyada Aamina Maxamuud Diiriye iyo Xildhibaan Maxamuud Jaamac, kuwaas oo hadallo dar-daaran iyo duco isugu jira u jeediyey Maareeyaha cusub ee xilka la wareegay.