Wasiir Guri-barwaaqo oo sharraxay Aqoon-korodhsi xidhiidhka warbaahinta Xorta ah oo uu ka helay Siminaaro loogu qabtay Dalka Ingiriiska

guri barwaaqoHargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo) oo socdaal ku jooga dalka Boqortooyada Ingiriiska, ayaa faahfaahin ka bixiyey natiijada kulamo uu la qaatay madaxda hay’ado warbaahineed oo ka hawl-gala dalkaas iyo sidoo kale masuuliyiin ka tirsan dowladda Ingiriiska oo u ballan-qaaday inay ka caawinayaan sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen tabobarrada dhinaca saxaafadda ah oo ay siiyaan warbaahinta dowladda iyo kuwa madaxa-bannaan ee Somaliland.

Wasiir Cabdiraxmaan Guri-baaaqo oo isagoo ku sugan dalka Ingiriiska xog-warran kooban siiyay warbaahinta dowladda Somaliland ee ka hawl-gasha dalkaas, waxa uu sheegay inuu kulamo la qaatay masuuliyiin ka tirsan dowladda Ingriiska oo uu ugu horreeyo ergayga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaas u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, kaas oo fadhigiisu yahay magaalada Addis Ababa isla markaana ah masuul dhowaan xilkaas loo magacaabay isla markaana todobaaddada soo socda xilkaas la wareegi doona.

Waxa kale oo uu wasiirku sheegay inuu wada-hadallo is-afgarad ku dhammaaday la qaatay masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Ingiriiska kuwaas oo uu sheegay inay u sharraxeen sida ay dowladda waddankaasi ula dhaqanto isla markaana xidhiidhka wada-shaqayneed ula sameeyaan warbaahintooda madaxa-bannaan. Waxaanu wasiirku intaas ku daray in nuxurka kulamadaasi qayb ka yihiin ka dhabaynta iyo ka-midho-dhalinta heshiisyo ka soo baxay shirweyne dhowaan magaalada Hargeysa ku dhexmaray wasaaraddiisa oo metalaysay xukuumadda iyo saxaafadda madaxa-bannaan ee dalka, taas oo uu sheegay in layskula qaatay sidii loo kobcin lahaa aqoonta iyo tayada saxaafadda madaxa-bannaan iyo ta dowliga ah ee Somaliland.

Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Guri-barwaaqo waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyey kulamo uu la qaatay madaxda hay’ado warbaahineed-madax-bannaan oo ku qaabilay isla markaana ku marti-qaaday xarumahooda guud ee ay ku leeyihiin waddanka Ingiriiska, kuwaas oo uu sheegay inay ka caawin doonaan sidii ay tabobarro  waayo-aragnimo dheeraad ah xambaarsan ugu kordhin lahaayeen saxaafadda dowladda iyo ta madaxa-bannaan ee Somaliland.

HADDABA FAAHFAAHINTA ARRINTA, HADALKA WASIIRKA IYO ARRIMAHA UU SIDA QOTADA DHEER UGA HADLAY EE LA XIDHIIDHA AQOON-KORODHSIGA UU KA KASBADAY KULAMADA UU LA YEESHAY MASUULIYIINTA KALA DUWAN EE UU KULA KULMAY DALKA INGIRIISKA, WAXAAD AKHRISTE KAGA BOGATAA MUUQAALKAN HOOSE