Wasiir Geedoole oo Beeniyay Wararka Sheegaya in uu is-casillay

 

Hargeysa-(SLpost)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare ee Somaliland, Faarax Cilmi Geedoole, ayaa been abuur ku tilmaamay warar lagu sheegay in uu raacay qulqulatadii is casillaadda ahayd ee maanta isla markaana uu baneeyay jagadiisa wasiirnimo ee uu ka hayay xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo. Wasiirka ayaa bayaan uu ku cadaynayo in warkaa aannay waxba ka jirin qoraal kooban ahaan ugu  baahiyay barta uu ku leeyahay shabakada xidhiidhka bulshada ee Facebook-ga. qoraalkiisaas oo dhamaystiraninna waxa uu dhiggna sidan,

 

”Dadka ku hawlan wasiirku waa uu is casilay waxaan usheegayaa iney tahey been abuur oo aanan iscasilin waxaan ahey musharax Madaxweyne kuxigeen oo hawshiisa wata. Wabilaahi Tawfiiq” ayuu yidhi Wasiir Geedoole.

 

Hadalkan Wasiirka, ayaa ka danbeeyay warar lagu tibaaxay in Wasiir Geedoole, uu maanta ku jiray xubnihii masuuliyiinta ahaa cadho ka dhan ah madaxweynaha oo ay ku eedeeyeen in aannu dhan ahayn shaqadooda uga tagay.