Wasiir Falastiini ah oo ku geeriyooday Isku-dhac Dhexmaray Shacab Gadoodsan iyo Ciidamada Israa’iil (SAWIRRO)

Quddus (SLpost)- Wasiir ka tirsan Golaha Xukuumadda dawladda Falastiin, ayaa Arbacadii ku dhintay Iska-horimaad dhex-maray bannaan-baxayaal reer Falastiin iyo Ciidamada Booliska ee Israa’iil.

Ilaa immika lama oga sababtay keentay dhimashadiisa, haseyeeshee waxa ay wararka ka soo baxaya geeridiisu sheegayaan inuu u dhintay neef-qabatay, ka dib markii ciidamada Booliska Israa’iil ay Sunta Indhaha kala ilmaysiisa u adeegsadeen bannaan-baxayaasha taas oo uu neef ahaan u qaatay, isaga oo isla markiiba ku dhacay goobtii mudaharaadku ka dhacayey oo ku taala Dhulka Daanta Galbeed ee Israa’iil Xoogga ku haysato.

WASIIRZiyad Abu Cayn oo da’diisu tahay 55-jir, ayaa ka mid ahaa boqolaal Falastiiniyiin ah iyo dad Ajaanib ah oo u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda shacabka Reer Falastiin, kuwaas oo ay isku dhaceen Askar Yuhuud ah oo ku sugnayd goob Isbaaro ah, wakhti ay ku soo jeedeen bannaan-bax ay kaga soo horjeedeen deegaamayn cusub oo Yuhuuddu dhismeyaal cusub kaga hirgelinayso dhulka haysta ee Daanta Galbeed.

In ku dhow 30 Askari oo Yuhuud ah iyo Askarta Ilaalisa Xuduudaha, ayaa Gaasta Indhaha kaga ilmaysiisay iyo Rasaasta Sanqadha Dadka kala erida u adeegsaday bannaan-baxayaasha, waxaanay askarta booliska mid ka mid ah isku dhaceen Wasiirka Geeriyooday oo Askari si xoog ah inu Luquntiisa u qabtay tukhaan-tukhiyey, mana jirin wax jawaab ah oo Marxuumku ka bixiyey gacan-qaadka Askariga Yuhuudiga ah, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters.

SIYAD ABU AYNWarku waxa uu intaas ku daray in daqiiqado ka dib uu Marxuumku dhulka u dhacay isaga oo Wadnaha Is-haya, waxaana markiiba loo cararay cusbitaalka, haseyeeshee nasiib-darro waxa uu geeriyooday intii loo sii siday Cusbitaalka, sida ay baahiyeen telefishannada Al-Jaziira iyo Al-Carabiya.

In kasta oo aan la xaqiijin sababta geeridiisa, haddana waxa wali socda baadhitaanno ay samaynayaan khubaro caafimaad oo u kala dhalatay waddamada Falastiin, Israa’iil iyo Urdun, iyada oo la filayo in natiijada baadhitaanka sida ugu dhakhsaha badan la shaaciyo

siyad abu caynDhacdadan ayaa ku soo beegmaysa wakhti ay cirka isku shareereen xiisad colaadeed oo u dhaxaysa Falastiiniyiinta iyo Israa’iiliyiinta, ka dib Isku-dhacyo rabshado wata oo labada dhinac ku dhexmaray magaaloyinka Quddus, Tel Aviv iyo Dhulka Yuhuuddu Xoogga ku haysato ee Daanta Galbeed.

SOMALILANDPOST.NET