Wasiir Duuroow, ma tihid dublamaasi

Dalka Somaliland waa dal 21 sano jiray 1991 bishii may ayaa laga dhawaaqay magaalada burco goob mar aan booqday aad yaabayso dayaca dhismahaaasi taarikhiga ah ka muuqda . malaha saqafka sare oo waa laga furtay albaabada iyo daaqadahana waa lagala baxay waxaa dhex degan dad dan yar ah oo fara badan , runtii waxa ay ahayd in la dhiso oo aad loo qurxiyo si dadkii aan wakhtigaasi joogin goobtaasi iyo ardayda jaamacadaha iyo dugsiyada sare dhigta loo tuso marka ay burco soo booqdaan goobtii loogu dhawaaqay somaliland ,waayo waa goobtii lagaga tashaday masiirka umada laakiin mooyi waxa sidaasi loogu dayacay .somaliland waxaay leedahaya astaan kasta oo qaran leeyahay madaxwayne iyo madaxwayne ku xigeen xuduudo dhul inkasta oo ay woxooga dhibaata ah ay ka jirto imika ,hadana xuduudka somaliland waa mid ku dhisan sharciyad marka loo eego xuduuudaha afrika ee ay gumaystayashii reer yurub dhigeen waxa uu leeyahay xuduud badeed ,ciidamada qaran ka oo ah kuwa ilaaliya ciida iyo calanka somaliland ,ciidan boolis oo qaybo farabadan u kala baxa ,ciidanka asluubta ,iyo ciidamada ilaalada xeebaha, sadex gole qaran ,calan u gaara , lacag . somaliland sooma noqonayso way hir gashay somaliland waa qaan gaadh ,somaliland waa dal dhismay, somaliland gorgortan ma geli karto, iyo hadalo kaloo fara badan waxa idhaahda oo aan inbadan ka maqalnay siyaasiiyiinta somaliland . marka ay ka hadlayan goobaha la isugu yimaado ee ay dadwayne fara badan hor taagan yihiin ,waayo waxa ay garanayaan in dadku ay jecel yihiin kelmadahaasi oo waxa ay raban inay soo jiitaan quluubta shacbiga ,iyada oo daacadnimada siyaasiyiinta somalilnad nimadu ay ka runta tahayba ay kooban yihiin .hadan kuwan maanta wax hogaaminaya waxa aad ku arkaysaa hadalo fudayd badani uu ka muuqdo indho farabadana inagu soo jeedin kara . siyaasigu waa inuu xaliyaa arimaha ku xeeran dadka iyo dalka uu matalayo iyo ta shaqadiisaba .wasiir duur waxa uu yidhi( kooxdan aynu tobabarayno waxaa ka maqan qalbkii,hubkii iyo dirayskii ,waxaa soo dhan waa inaynu doonaa . Hayadda UNDP waxay inagala raagtay dirayskii waxay booliska la qabnayso ee ay balan qaaday ilaa hada kama hayno ) .waxa kale oo uu yidhi (heshiiskii ay 2011kii hayaddaUNDP nagala hadashay waxaa ugu muhiimsanaa in booliska loo dhiso xaruntii laga maamulaayay oo tan gabowday aynu ka guurno, sidaas oo kale waxay balan qaaday UNDP in dirayska ciidanka booliska dhaman laga badelo labadii midna kama hayno) . hadaladasi waxa uu ka sheegay munaasibad loo dhan yahay saxaafaduna ay ka qayb gashay , dabcan aniguba goobtaasi maan joogin laakiin saxaafada ayaa iiga wakiil ahayd marka aan leeyahay loo dhan yahay waxa aan u jeedaa saxaafada ayaa joogtay waayo iyada ayaa bulshada waraabisa. muwaadin ha ka cadhoon in ciidankaaga booliska shaadhka iyo surwaalka ay kaga duwan yihiin bulshada inteeda kale iyo haybada qaranimo in laga baryo ama loo daba fadhiisto hayadd waxa ay tahayba aynaan garanayn ,waayo inagga ayaan ahayn dad wadaninimo ku faani kara . hadana waxa uu yidhi wasiirka arimaha guduhu isagoo ku faanaya ciidan ka booliska somaliland ,mar uu ka hadlaayay xafladii uu taliyaha booliska ee cusub cabdilaahi fadal xilka kagala wareegayay ku simaha taliyaha .
(Qaranku sharafta uu leeyahay inay tahay sharfta dirraysku uu leeyahay , dirayskiina waxaa xidhan ciidamada kala duwan booliskuna waa qayb ka midda ciidamad a oo suga amniga gudaha ,aniga waxa ii rumowday in xilka wasiirnimo ee culus aan u helo cid xambaarta , oo masuliyada nabadgalyada inteeda badan qaaddata waxana rumeeyey ciidan ka booliska aad baanan idiinku mahad naqayaa) . somalida ayaa tidhaahda ( nina afkiisa lagama xaal siiyo ) bal eeg baryada dirayska iyo faan ka is xigga ee wasiirka arimaha guddaha hadaladaasi waxay muujinayaan bisayl la aan siyaasadeed iyo fudayd . maah maah ayaa tidhaada (biyo sacabadaada lagaga dhergaa ) waynu awoodi karnaa inaynu dirayska ciidan keena u dhamaystirno waliba tayo ahaan aad u heer sareeya ,hore ayaan u maqlay dirayskan labad bilood midabkiisu isugu badalayo UNDPda ayaa booliska siisay ,horta waa suaale askariga booliska ah ee muqdisho jooga ama taraafiga isgoys yada bakaaraha taagan iyo askariga saldhiga dhexe ee hargeisa jooga ama taraafiga isgoyksa madaxtooyada taagan maxaa isku dirays ka dhigay ? waa isku koofiyad , isku dirays , waana isku muuq oo dabcan labadooduba waa soomaali laakiin waa kala laba dal somalia iyo somaliland . ilayn waa dirays aynaan dookhiisaba lahayn si dedbana isugu xidhaya labad dal iyo labad ciidan waxan ku soo geba gebaynayaa wasiir ama ciidanka dirays u tola oo aynu inagu isku tashano hadii kale kaasi cadaanaya ee labada bilood midabkiisu isku belaaya ha iska xidhnaadan adiguna hadalka hoos u dhig oo dublamaasiyad ku shaqee .waxaynu nahay dowlad dhen oo sida landkaruusarad loo iibsado taqaana iyo wasiiro sida loogu xaragooda yaqaan laakiin sida ciidanka loo qalabeeyo iyo sida wado loo dhiso midna aan aqoon
ALLAA MAHADLE
WAXA QORAY : MAXAMED AXMED CABDILAAHI
HARGIESA SOMALILAND
TEL :4033441