Wasiir Duul oo Ka Hadlay Warar Sheegayay Inuu Iska Casilay Xubinnimadii Waddani

Hargaysa(SLpost):-Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale Duur, Ayaa Beeniyay Wararka Sheegaya In Uu Iska Casilayo Xisbiga Mucaradka WadaWaddani.

Duur Ayaa Sidaa Ku Sheegay Qoraal Uu Soo Dhigay Boggiisa Facebook-Ga Waxana Uu U Dhignaa Sidan.“Waxaa Batay Baraha Bulshadu Ku Gudbiso Wararka , Lama Wada Ceebayn Karo Lama Wada Cambaareyn Karo Waayo In Ka Mid Ah Ayaa Si Togan Loogu Qoraa Wax La Hubiyay Oo Sax Ah .

Sidoo Kale Waxaa Jira Qaar Milgaha Iyo Sharafta Warbaahintu Ka Qaloocatay , Ama Hub Siyaasadeed Ka Dhigtay Faafinta Beenta Oo Qora War Aan Jirin . Waxaan Aad Ula Yaabay In Aan Ku Arko BEEN

FAAFIYAASHA Qaar Ka Mid In Aan Iska Casilay Xisbiga Wadani , Inkastoo Aanan Xil Ka Hayn Waxaan Ahay Xubin Ka Mid Ah, Weli Waan Ahay Inshaalaah Ahaan Doona” Ayuu Yidhi Duur.

Hadalka Duur Ayaa Ku Soo Beegmaya Iyadoo Maalintii Shalay Uu Xisbigaasi Iska Casilay Xoghayihii Warfaafinta Boobe Yuusuf Du’caale.