Wasiir Deegaanka Somaliland oo ka Deyrisay Saamaynta Deegaamaynta Cusubi ku leeyahay Caafimaad-qabka Deegaanka

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Somaliland Marwo Shukri X. Ismaaciil Baandare, ayaa markii ugu horeysay tan iyo markii xilkaas loo magacaabay, xog-waraysi ay warbaahinta siisay kaga hadashay xaaladda Deegaanka Dalku ku sugan yahay iyo Caqabado halis ku ah caafimaad-qabkiisa.

Marwo Shukri X. Ismaaciil oo shalay warbaahinta Dawladda ugu warrantay xafiiskeeda, waxa ay ka deyrisay isbeddelka iyo saamaynta ku timaadda deegaanka xilliyada roobka oo ay ku samaysmaan Jeex-jeexyo ka dhasha daadka xilli-roobaadka, kuwaas oo waxyeelo gaadhsiiya dalagyada, waddooyinka iyo noolayaasha jiritaankoodu ku tiirsanyahay deegaanka.

Marwo Shukri waxa ay sheegtay in muddo dheer ay jirtay dhibaatada ay sababaan jeex-jeexyada gaar ahaan waxyeelooyinka ay u leeyihiin qaybaha nolosha bulshada sida beeraha, xoolaha iyo bilicda magaalooyinka, iyaga oo ay biyo-roobaadku si degdeg ah u raacaan jeexjeexyada iyo laagaha aan haboonayn, kuwaas oo ay xustay inay hoos u dhigaan dalag-cawseedkii ka soo bixi lahaa dhulka badankiisa isla markaana khatar gelisa dhismayaasha ay dadku ku nool yihiin ee magaalooyinka.

Shugri-Xaaji-baandareWasiiradda Deegaanku waxa ay sheegtay in hadii aan wax laga qaban biyaha rogmanaya ay maalinba ta xigta sii kordhi doonto dhibaato horseedda nabaad-guur dhulka ku yimaadda, waxaanay sheegay inay wasaarad ahaa ku talo jiraan inay si deg-deg ah tallaabo uga qaadaan arrimahaas.

Wasiirka Deegaanku waxa ay tilmaantay halis adag oo ka jirta iyo kuwo ku soo fool leh Caafimaad-qabka Deegaanka Somaliland, taas oo xalkeeda ay ku sheegtay in lagaga bixi karo bulshada Somaliland oo fahamta lahaanshaha dhulkooda deegaanka, faa’iidooyinka uu u leeyahay iyo in noloshoodu ku xidhan tahay, isla markaana la joojiyo dhulka la deegaamaynayo ee tuulooyinka cusub laga samaynayo.

SOMALILANDPOST.INFO