Wasiir Cukuse oo Xisbiyeeyay Warbixintii Guddida Dabagalka iyo Ilaalinta Hantida Qaranku Soo Saareen

Hargeysa(SLpost)-Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Cukuse, ayaa ka hadlay warbixin ay maanta soo saareen gudida ilaalinta iyo dabagalka hantida qaranka, warbixintaas oo ka waramaysay maamul daadajinta iyo nidaamka shaqo ee qaranka oo ka dambaysay kormeer ay gudidu gobolada ku soo martay. Warbixintan ayaa farta ku fiiqday in aannay wasaaradda warfaafinta, wacyigelinta iyo dhaqanku aannay xarrumo iyo isuuwayaal ku lahayn gobolada iyo degmoyinka dalka .

Wasiir Cukuse oo warbixintaasi kadib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inaanay qiimayntoodu ahayn mid lagu eegi karo maamul daadajin balse lagu eegi karo inay shaqadooda qabtaan. Wuxuu ku dooday inay shaqadooda si fiican u qabsadaan, isagoo u muuqda inuu meesha ka saarayo in wasaaraddu ka shaqayso gobollada.

“Wasaaradda warfaafinta, wacyigalinta iyo dhaqanka xarunteedu waa Hargeysa. Qofka doonaya inuu qiimeeyaana waa inuu marka hore akhriyaa waajibaadka iyo xilka wasaaradda warfaafinta oo gartaa. Wasaaradda warfaafinta waxa xilkeeda ugu muhiimsani yahay( Idaacadda, Tv-ga, Wargeyska iyo Websites-ka) inay muwaadin kasta oo reer Somaliland ah warka ku gaadhsiin karto maqal iyo muuqaal iyo akhris. Ma aha anaga arrintayadu gobol ma aha degmo ee muwaadinka gurigiisa iyo halka uu fadhiyo waa inaanu ku gaadhsiinno hadduu gudaha jooga iyo hadduu dibadda joogaba, markaa anaga nalaguma qiimeeyo gobol iyo Degmooyin, ee waxa nalagu qofka halka uu joogo iyo gurigiisaba warka ma ku gaadhsiisaan?,” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

Mudane Cukuse oo ka jawaabaya sababta wasaaraddiisu xarrumo iyo isuduwayaal gobolada ugu yeelan wayday ayaa waxa uu yidhi “Wasaaradda warfaafinta, wacyigelinta iyo dhaqanku muwaadiniinta guddo iyo dibadba waxa ay u leedahay nidaam ay ku gaadhsiiso warka iyo wacyigelintaba, Laakiin haddii ay u jeedaan sida wasaaraddaha kale wasaaraddu isuduwayaal ma ku leedahay goboladda dalka? Jawaabtu waxa weeyi qaabka wasaaradda warfaafintu way ka duwan tahay wasaaraddaha kale. Annagu waxa aannu yeelanaa wakiillo. Isuduwayaal ma yeelanno. Markaa sidaas oo kale oo uun baannu u shaqaynaa waaxda dhaqanka iyo waaxaha kaleba”

Wasiirka wasaaradda warfaafinta, wacyigelinta iyo Dhaqanku waxa uu gudidda ku eedeeyay in ay yihiin xubno ka tirsan xisbiga WADDANI, waxaanna uu sheegay in aannay qiimayn ku samayn karin xukuumadda oo xisbigeedu yahay KULMIYE. “Gudida oo dhammaantood ama intooda baddani ay ka mid yihiin xisbiga WADDANI. Xisbiga Waddanina xukuumadda ma qiimayn karo, waayo waa xisbi mucaarid kolaybana ma amaanayo. Mar baannu isku dayaynaa in xisbiga Kulmiyana qiimayn sameeyo, labada qiimaynood baynnu is barbardhigi doonnaa” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

Hadalkan wasiirka ka soo yeedhay ayaa muujinaya sida aannay laamaha kala duwan ee dawladdu u wada shaqayn iyo saamaynta qaloocan ee loolanka xisbiyadu ku yeeshay hanaankii dawladnimo ee qaranka Somaliland.

Somalilandpost.net,

Hargeysa Office