Wasiir Cali Marreexaan oo Gurmad miisaan leh ka gaystay Xakamaynta Shuban-biyoodka iyo Gargaarka Bukaan-jiifka la il-daran

Burco (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta ee Somaliland Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan), ayaa si ballaadhan uga qayb-qaatay gurmadka Bukaan-jiifka uu haleelay Cudurka Shuban-biyoodka ee ku sugan cusbitaalka Guud ee xarunta gobolka Togdheer oo uu xannuunkani faro-baas ku hayo.

gfWasiir Cali Marreexan waxa uu gobolka Togdheer u diray Diyaarad sidda Daawooyin kala duwan oo loogu talo-galay sidii ay qayb laxaad leh uga qaadan lahayd xakamaynta Cudurka iyo daaweynta bukaanka jiifka la il-daran Shuban-biyoodka.

HADDABA, muuqaalkan hoose ka daawo faahfaahinta warkan.