Wasiir Boobe oo maanta dhaggax dhiggay dhismayaal laga hirgalinayo Xarunta Wasaaradda Warfaafinta

Hargeysa (SLpost)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland Md Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), ayaa maanta dhagax dhiggay mashaariic door ah oo isugu jira dhismayaal iyo dib-u-dhis iyo qalabayn oo ay bixisay hay’adda US AID lagana hirgalinayo xarunta wasaaradda warfaafinta iyo wacyi-gelinta.

Wasiirka oo hadalay munaasibadda dhagax dhigga ee dhismayaasha ayaa waxa uu sheegay in mashaariic badan oo maalinta berri ah si rasmi ah u fulinteedu bilaabmayso ay ka koobnaan doonto hool ballaadhan oo ay waryayaashu wax ku diyaarsan doonaan laba xafiis oo ay masuuliyiintu isticmaali doonaan dib u habaynta Studia-ha gudoodo cawro oo ah studia-ha 1-aad ee radio Hargeysa qolka kayda cajaladdaha ee radio hargeysa oo la dhisay sannadkii 1941-kii oo ilaa hadda ama imika la doonayo in loo badalo qaabka dhijtalka iyo laba studio oo uu yeelan doono Tv-ga qaranku.

Wasiirku wuxuu caddeeyey inay ka mid yihiin qaybaha qalabaynta xafiisyo laga dhisi doono hool kale oo laga dhisi doono afaafka hore ee wasaaradda iyo weliba qaybo kale oo sugida amnigga oo albaabadda wasaarad ah iyo meelo gudahaba ah lagu rakibi doono qalab casri ah oo dhinaca Aamanka la xidhiidha.

Wasiir Boobe wuxuu mahadnaq u jeediyey hay’adda mashaariicda bixisay US AID qaybteed Day iyo hay’daha kale ee OAM.

Halka uu wasiirku si gaar ah ugu mahadnaqay Mukhtaar Axmed Sheekh Aadan oo ah agaasimaha qorsheynta ee wasaaradda warfaafinta iyo wacyi-gelinta.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo wacyi-gelinta Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) oo ballanqaaday inay sii wadi doonaan horumarinta wasaaradda iyo guud ahaanba gudashadda masuuliyadda ay qaranka ugu xili-saaran yihiin, waxa uu hoos u dhiggay inuu wax ka soo qaado dad uu sheegay inay cadaysteen inay Wargeysyadda wax been abuur ah ku qoraan, kuwaas oo uu ku sheegay in aanu dan iyo muraad ka lahayn isaga oo wasiirku ku hal qabsaday tix suugaaneed uu lahaa abwaankii weyna ee Cabdi Iidaan Faarax rabi naxariistii janno ha ka waraabiyee oo ahayd “Adiguna dameeroow dawankaagii qaado hiigso faraska doolaal daba soco ma gaadhidee.”

Somaliland Post.Net

Hargeysa/Somaliland