Wasiir Abgaal oo Sheegay in Jagada Madaweyne-xigeenka loogu Tartamayo Si Xor iyo Xalaal ah ee aan Cidna Gaar u Lahayn

 

Hargeysa(SLpost)-Wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta Md. Maxamed Jaamac Abgaal,  ayaa kulankii Axadii lagu soo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis, ka jeediyay khudbad huwanayd macno culus oo siyaasadeed, taas oo ay dad badani u fasirteen inay ahayd farriin ku socota madaxweyne-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici.

Mr. Abgaal oo ah siyaasi kaftan badan oo ka soo jeeda gobalka Awdal, ayaa wuxuu sheegay in mar haddii lagu tartamayo kursiga madaxweynaha sidaas oo kale loogu tartami doono kursiga madaxweyne-xigeenka oo uu xusay inaanu cid gaar ah u xidhnayn, “Waxaan rabaa inaan iftiimiyo sidaas loo sheegay ayay murashixiintu qaranka xor ugu yihiin, galbeedka ma jiro ama reer Awdal iyo reer Buuhoodle nin keliya oo u xidhani.” ayuu yidhi Wasiir Abgaal oo markii uu hadalkan jeediyay uu sacab badani u dhacay. Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu soo hadal qaaday hadalo waayadan dambe laga soo warinayay madaxweyne-xigeenka oo sheegaysa inuu kulan gurigiisa ka dhacay ka sheegay inuu murashaxa madaxweyne ee soo baxa u noqonayo murashax  madaxweyne-xigeen, waxaanu wasiirku yidhi “Haddii suuqa beryahan la marmarinayay ninkii soo baxa ayuun baan ku xigayaa; ma jirtee waa la taramayaa waa la isku wada xigayaaye banaanka haloo soo wada baxo. Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa murashixiintu waa tartan xor iyo xalaal ah oo u baahan garasho iyo xaqoon.”

Ugu dambayn wuxuu sheegay inay ixtiraami doonaan murashixinta madaxweyne iyo madaxweyne-xigeen ee ay ergada golaha dhexe ee KULMIYE doorato marka la gaadho 10 November