Wasaraadda Daakhiliga oo amartay in Xoriyaddoodda loogu soo celiyo Xildhibaano ka tirsan Golaha deegaanka Gabiley oo Shalay la xabsiga loo taxaabay

Hargeysa, 11 March, 2012 (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa shaaca ka qaaday maanta in uu amaray in saldhiga dhexe ee magaaladda Gabiley laga sii daayo 11 xildhibaan oo ka mid ah mudanayaasha golaha deegaanka Gabiley, kuwaasi oo rabshad ka abuuray magaaladda Gabiley, isla markaana lagu xidhay magaaladaasi.

Xildhibaanadan la soo daayay ayaa la xidhay maalinimaddii shalay ka dib markii ay soo abaabulay mudaharaad ka dhan ah Maayarka magaaladda Gabiley Khadra Xaaji Gaydh. Mudanayaashan ayaa lagu soo eedeeyay inay ku kaceen falal fool xun, iyaga oo burburiyey muraayaadaha xafiisyada dawlada hoose ee gabiley iyo hoolka shirarka oo dhawaan madaxwayne ku-xigeenka Somaliland xadhiga ka jaray.

Mudanayaashan ayaa la sheegay inay ka cadhoodeen fadhiyadii caadiga ahaa ee ay yeelan jireen oo wasaaradda arrimaha guduhu ka horjoogsatay, waxayna mudaharaadkan oo ahaa mid rabshato wata oo ay gacan ku siiyeen xildhibaanada dad mudaharaadayey ayaa dhibaato ugu geystay qaar ka mid ah shaqaalaha dawlada hoose ee Gabiley iyo askar ka tirsan booliska magaaladda Gabiley oo ilkahA laga daayey.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo maanta u waramay idaacadda afka soomaaliga ku haddasha ee BBC-da ayaa sheegay in ay xildhibaanadaasi qabsan karaan kal fadhigooda aan cadiga ahayn haddii ay soo maraan dariiqo sharci ah.

somalilandpost.net

Khadar jaamac

Hargeysa, somaliland