Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha oo Gurmad Caafimaad u Samaynaysa Xoolaha ay Saamaynta ku Yeelatay Xaalada Abaareed ee Dalka Ka Taagan

Hargaysa ()- Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha ayaa Kooxo Caafimaad Waxay u Kala dirtay Qaar ka mid ah Goboladda Iyo Degmooyinka dalka Iyagoo soo Fulin doona daawayn dhinaca xoolaha ah maadaama xaalad abaareed ay ka jirto badiba Gobolada dalka.

Kooxahan ayaa Waxay ka hawl galeen Goboladda Awdal,Selel,Saaxil iyo Saraar Iyadoo lagu qalabeeyay Gaadiid iyo agabka lagu daaweeyo Xoolaha.

Ugu horayn Isuduwaha Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha ee Gobolka Saraar Dr Ibraahin Axmed Saleebaan ayaa sheegay inay Hawlgalkan caafimaadinta xoolaha ay si wada jir ah uga bilaabeen Ceelka Caynabo iyo deegaanka Wadaamo-go’o Waxaanu yidhi “ Waxaanu maalmahan  Hawlgalkan Caafimaadka iyo daawaynta xoolaha ka wadnay deegaankan iminka waxaanu ku suganahay ceelka Wadaamo-go’o oo ay ka cabaan xoolo tiro badan,Waxaanu ka daawaynaynaa Xoolaha xannuuno tiro badan oo ay ka mid yihiin Caalka,Dulinka,iyo wixii la hal maala waanan sii wadaynaa hawshan ilaa si rasmi ah Xoolaha badqabkooda aanu u Sugno”.

Qaar ka mid ah Xoolo dhaqatada Gobolkaas ayaa uga Mahadceliyey Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha hawlgalkan ay ku daawaynayso xoolaha waxaanay sheegeen inay arrinani tahay Waxqabad fiican oo la gelinayo Xoolaha oo ah Isha dhaqaale ee Somaliland ku tiirsan tahay.

xoolaha1

Dhanka kale Kooxo ka Socda Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha ayaa ka ambo baxay Magaaladda Boorama iyagoo hawlgal daawayn ah u fidin doona Xoolaha ka badbaaday Xaalada abaareed ee Ka taagan Gobolada Awdal iyo Salal.

Isuduwaha Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha ee Gobolka Awdal Dr Daahir Muuse Xuseen ayaa Sharaxaad ka bixiyey Sababta keentay inay Xiligan Kooxo Caafimaadka Xoolaha ka shaqaynayaa inay u Kicitimaan Jiido badan oo hoos taga labadaas gobol Waxaanu Yidhi “ Sida laga warqabo Gobolada Awdal iyo Salal Waxaa ka jirta oo ka taagan abaar baahsan oo soo jiitamaysay isla markaana dad iyo duunyaba saamayn ku yeelatay,Maanta (Shalay) Waxaa Boorama ka ambo baxaya laba baabuur oo ay la socdaan Kooxo ka tirsan Wasaaradda Xoolaha Waxay si gaar ah u tegayaan meelaha xooluhu ku liitaan Waa aqoon yahano da’a yar ah oo Shaqadan si hufan uga soo bixi kara,Markaa Waxaa loo baahan yahay Gurmad qaran oo dad iyo duunyaba isugu jira”.

Isuduwaha oo la dardaarmaya Hawl wadeenada hawlgalkan fulinaya ayaa waxa uu yidhi “Xaaladu sidii hore way ka duwan tahay,Marar badan xili barwaaqo ah ayaynu bixi jirnay laakiin doorkan waxaynu ku soo beeganay Xili abaar adagi ka jirto Gobolka taas oo dad iyo xoolaba ay ku lee’deen Waxaa la idiinka baahan yahay inaad u dhabar adaygataan fulinta Waajibaadka qaran ee Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha kaga beegan Marxaladan”.

Sidoo kale Isu duwaha Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha ee Gobolka Saaxil Dr Cali Maxamud Guuleed ayaa dhankiisa sheegay inay Laba Kooxood oo Wasaaradda Xoolaha ka socda u kala direen Deegaamada kala duwan ee Gobolka Saaxil.

Isu duwuhu wuxuu sheegay in Kooxahani ay beegsan doonaan goobaha ay ku sugan yihiin Xoolaha ay abaartu saamaysay ee Xannuunada u nugul si ay daawayn ugu soo sameeyaan isagoo arrintaas ka hadlayaana waxa uu Yidhi “Waxaan idinla socodsiinayaa inaan u kala dirnay laba kooxood oo Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha ka Tirsan oo noqonaya Kooxihii Gurmadka Xoolaha ee Wakhtigan abaartu taagan tahay,Waxay labadan Kooxood u kala baxayaan Koox u baxaysa waddada laamiga ah wixii ka xiga galbeed,Berbera,Hargaysa Xagaana ka soo xiga Bula-xaar ilaa Dawga Cad ayay ka shaqayn doonaan iyo Kooxda kale oo ka shaqayn doona Gobolka Saaxil iyo degmada Sheekh oo ay abaartu ugu daran tahay”

Isuduwaha oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay Shaqada ay qabanayaan Kooxahani iyo qalabka ay ku hawl galayaan “Kooxdiiba waxay ka kooban tahay afar dhakhtar waxay mari doonaan tuulooyinka oo dhan Waxay la socon doonaan Xaalada abaaruhu halkay ka marayso Gobolka oo dhan, iyagoo warbixin joogto ah ka soo bixin doona xaaladaha dad iyo duunyo Waxay wataan Gaadiidkoodii iyo dhamaanba qalabkii adeega caafimaadka xoolaha ay ku fulin lahaayeen,Wixii Safarkoodaas ka soo baxa ayay Wasaaradu ku Camal fali doontaa”.

Si kastaba ha ahaatee Kooxahan ay Wasaaraddu kala dirtay ayaa ku soo Beegmay Xili loo baahnaa maadaama Xaalad abaareed ay ka jirto Jiido badan oo ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland