Wasaaradda Xannaanada Xoolaha oo iska fogaysay eedo loogu jeediyey Xoolo laga soo celiyey Sucuudiga

Berbera, (SLpost)- Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha Somaliland ayaa ka hadashay eedo ay Wasaaradda u soo jeediyeen qaar ka mid ah ganacsatada xoolaha dhoofisa, kuwaasoo dhaliilay xoolo la soo celiyay iyo nidaamka ay xoolaha loo dhoofiyaba.

Isu-duwaha Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha ee Gobolka Saaxil Dr. Cali Maxamuud Guuleed ayaa war-saxaafadeed uu shalay soo saaray kaga jawaabay eedahaas, waxaanu yidhi; “Anigoo ku hadlaya magaca wasaaradda xannaanadda xoolaha ugana masuul ah gobolka Saaxil iyo dekedda, waxaan halkan kaga jawaabayaa eedeyn ay wasaaradda iyo aniga u soo jeediyeen ganacsatada xoolaha ee kala ah Maxamed Cumar Cabdi, Maxamed Muuse Maxamed iyo Cismaan Cabdi Maxamed eedeymahaasi waxay u dhignaayeen sida: – In waxaraha la dhoofiyey sabab u ahaayeen soo celinta xoolaha:

Waxaanay jawaabta Isu-duwuhu ku bilaabay sidan:”

 “Waxaan halkan idiinku caddeynayaa inaanay taasi sal iyo raad toona laheyn ee sababta ay u cuskadeen dhakhaatiirtu ahayd cudur aanay qabin oo ay inagu eedeeyeen waraaqdii dhakhtarka Sucuudiga soo qorayna wasaaraddu way haysaa waaney tusi kartaa haddii loo baahdo, mida kale waxaraha dhiigba lagama qaadin dhimashana may lahayn sii socodkii markabka.” Ayuu yidhi.

Waxa kale, oo eedaha loo jeediyay wasaarada ka mid ahaa. – Markabku caws iyo biyo muu sidan wasaaradduna ma kantorosho. Waxaanay wasaaraddui kaga jawaabtay. “Markabka xoolaha qaaday caws iyo biyo ku filan wuu sitay, kuwii uu Berbera ka qaatay ayuu ku soo noqday, waxaana laga xaqiijin karaa wakiilka markabka iyo markabka laftiisa. – Inay wasaaraddu ogolaatay xoolo aan madax madoobeyn in laga dhoofiyo Berbera, ayaa sidoo kale, ka mid ahaa. Waxaanay wasaaraddu kaga jawaabtay. “Shuruucda caalamka kama jirto wax la yidhaahdo xoolo midabkaa leh keli ah ha la dhoofiyo Suuqa Sucuudigana waxa la keenaa xoolo ka kala yimi daafaha dunida sida Sudan, Ethopia, New Zealand, Australia iyo kuwa kale. Xoolahaas qaar ayaan madoobaynba xoolo la cuno haddana ka qaalisan xoolaheena boqol goor. Markaa ma jirto sabab loogu diido qof ganacsade ah oo doonaya in xoolo dhoofiyo haddii uu mariyo nadaamka dawliga ah isla markaana maxjaryada galaan. Haddaba waxa ku soo gunaanadayaa ganacsatadan in wixii tafaasil ah ee ka jaahil yihiin ugu tagaan masuulka ku shaqada leh inta aan siyaasad loo adeegsan isla tallo iyo tusaalo waydiiyaan khubarada wasaaradda.”

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net