Wasaaradda Xannaanada Xoolaha oo Bilowday Qorshe Xannuunka Sambabka lagaga Tallaalayo Hal Milyan Neef oo Riyo ah

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr Cabdi Aw daahir Cali ayaa shaaciyay in wasaarada xanaanada xooluhu gobalada dalka u kala diray labaatan kooxood oo cudurka sambabka ka talaali doona riyo tiradoodu gaadhayso hal milyan oo neef.

Wasiirka oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, waxa uu sheegay in talaalkaasi socon doono muddo hal bil ah.

Wasiirku wuxuu dardaaran u  jeediyay  kooxihii u ambabaxayay talaalka xoolaha oo tiradoodu dhamayd boqol qof,isagoo ka dalbaday in Xil dheeraad ah ay iska saaraan habsami u socodka hawshan qaran.

Wasiirku Waxa uu ka codsaday shacbiweynaha Somaliland ee ku dhaqan goobaha ay kooxahani ka hawl galayaan in ay soo dhaweeyaan hawl wadeenada talaalka una fudaydiyaan sidii ay shaqadooda u gudan lahaayeen.

Geesta kale, wuxuu wasiirka xanaanada xoolahu Md Cabdi aw- Daahir ku sheegay shirkiisaa jaraaid inay shanta degmo ee  Daarasalaam, Sallaxley, Sabawanaag,   Cadaadley, Iyo Balligubadle ay ka fulin doonaan dhismayaal lagu daryeelayo xoolaha .Md Cabdi Aw Daahir wuxuu  xusay in ay mashaariicda dhismayaasha lagu daryeelayo xoolaha ay sideed degmo hore uga fuliyeen kuwaas oo ay wasaarada xanaanada xooluhu maal galinteeda lahayd.

Somalilandpost News

Hargeysa, Somaliland