Wasaaradda Wershadaha Somaliland oo Heshiis la Saxeexatay Ganacsato Shiine ah oo Dalka Maalgashi-wershadeed ka Fulinaya

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Werashadaha Somaliland, ayaa maanta heshiis ka kooban mashaariic kala duwan oo maal-gashi la gashay qaar ka tirsan Werashadlayda Waddanka Shiinaha oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa Somaliland.

Munaasabad ka qabsoontay Xarunta Wasaaradda Wershadaha ee magaalada Hargaysa, ayaa Wasiirka Wershadaha Abiib Diiriye Nuur oo ay wehelinayaan madaxda Kale ee Wasaaradda iyo Wefti Chane ah oo ka socda Warashadlayda waddanka China, oo maalmahana booqasho ku joogay Somaliland ayaa si wada jir ah labada dhinac waxa ay qalinka ugu duugeen heshiiskan oo ay qayb ka yihiin maalgashiga labaatan mashruuc oo balbalaadhan oo laga hirgelinayo gudaha Somaliland.

heshiisheshiisMunaasabaddaasi waxa ka hadlay Agaasimaha guud Ee Wasaarada Warashada Cabdi Axmed Nuur Oo sheegay inay Soo dhawaynayaan Weftigan Ganacsatada warashadaha ah ee ka socda wadanka Shiinaha isla markaana dalka Ka Fulin doona Mashaariic tiro badan.

Mr David oo u hadlay Weftiga Warashadlayda ka socda wadanka China ayaa sheegay inay Somaliland u yimaadeen sidii ay mashaariic door ah ugu hirgalin lahaayeen, kuwaas oo qaybtoodii u horaysay ay dhowaan bilaabmi doonaan.

Heshiis2Wasiirka wasarada Warashada Somaliland Md Abiib Diiriye Nuur oo kulankaasi ka hadlay ayaa waxa uu u mahad celiyay Weftigan ka socda wadanka Shiinaha isagoo balan-qaaday inay dawlad iyo shacaba La shaqeyn.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net