Wasaaradda Waxbarashada u hanjabtay Macalimiin Bannaan-bax Cabasho ah sameeyey

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland, ayaa sheegtay inay sharciga marinayso macalimiin wax ka dhiga Dugsiyada dowladda oo bannaan-bax Cabasho ah ka sameeyey Xarunta madaxtooyada horteeda shalay.

 

Macalimiintan oo sheegay inay isugu jiraan qaar wax ka dhiga dugsiyada dowladda ee caasimadda iyo tuulooyinka hoos-yimaadda gobolka Maroodijeex, ayaa shalay isugu soo ururay xarunta madaxtooyada, waxaanay ka cawdeen in la siin waayey kharashaad loo ballan-qaaday oo lagu siinayey Tabobar kor loogu qaadayey xirfaddooda macalinimo.

 

Haddaba Muuqaalkan Hoose ka daawo wasaaradda Waxbarashada oo arrintan ka hadashay uguna hanjabtay macalimiintaas in sharciga la marin doono.