Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo faahfaahisay Xeer-nidaamiye Jaah-wareer ku abuuray Dugsiyada Gaarka loo leeyahay

Axmed Abokor, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixisay Xeer-nidaamiye loogu talo-galay in lagu maamulo Waxbarashada Gaarka loo leeyahay, kaas oo muran ka dhex-abuuray Wasaaradda iyo Dugsiyada Gaarka loo leeyahay oo ka biyo-diiday u hoggaansanaantiisa.

Xeer-nidaamiyaha oo ay wasaaraddu soo saaray sannadkii 2018-kii isla markaana ku soo baxay digreeto wasiir, ayaa ku waajibinaya Dugsiyada Gaarka loo leeyahay inay iska diiwaan-geliyaan wasaaradda Waxbarashada oo siinaysa Liisanka oggolaanshiyaha ee ay ku shaqaynayaan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Abokor oo maanta xafiiskiisa ugu warramay telefishanka HCTV, waxa uu sheegay in soo-saarista xeer-nidaamiyahani salka ku hayso awood sharci oo ku xusan dastuurka Somaliland iyo Xeerka Guud ee Waxbarashada dalka oo wasaaradda ku waajibinaya inay maamusho siyaasadda Guud ee Waxbarashada Dalka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska oo sharraxayay Ujeeddada loo aasaasay Xeerka iyo muhiimadda uu leeyahay, waxa uu yidhi, “Xeer-nidaamiyahani wuxuu dhigayaa iyadoo wasaaraddu eegaysa ahmiyadda loo qabo in goobaha Waxbarashada Gaarka ahi fuliyaan Manhajka iyo mabaadiida Guud ee Waxbarashada Qaranka. Iyadoo laga duulayo baahida loo qabo in nidaamka Waxbarashada Gaarka ahi la jaan-qaado nidaamka guud ee Qaranka Isla markaana laga fuliyo halbeegyada Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, ayaa xeerkan la soo saaray. Ujeeddadiisa guudna waxa weeyi in la xoojiyo xidhiidhka wada-shaqayneed ee u dhexeeya Goobaha Waxbarashada Gaarka ah iyo Wasaaradda Waxbarashada si loo helo Dugsiyo la jaan-qaada halbeegga Waxbarashada dalka una hoggaansan xeerarka iyo siyaasadaha wasaaradda”.

 

Axmed Abokor, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

Agaasimaha Guud oo Hadalkiisa, sii watay, waxa uu intaas raaciyey, “Runtii waa xeer faahfaahsan, derajooyin fara-badan soo maray, wax mushkilad ah ama dhibaato xagga sharciga ah oo xeerkani qabaa ma jirto, ciddii dood qabtana, annagu wasaarad ahaan waanu u furannahay inaanu dhegaysanno,” Sidaas ayuu yidhi Agaasime Axmed Abokor.

Dhinaca kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashadu waxa uu ka hadlay qorshe markii u horeysay wasaaraddu deeqaha waxbarasho ee Somaliland ka hesho dalka dibaddiisa ugu soo koobtay Dugsiyada dowliga ah, go’aankaas oo dugsiyada gaarka loo leeyahayna cabasho ka muujiyeen.

“Waxaanu qirsannahay in dadka wax ka barta dugsiyada dowliga ah boqolkiiba 90 yihiin dadka xoogsatada ah ama danyarta ah ee ciidamada iyo macalimiintu ku jiraan. Markaa kuwaas ayaa mudan in la dhiirri-geliyo oo diinta iyo dhaqankuba ina farayaan. Runtii, xukuumadduna siyaasaddaas ayay qaadatay, waanan sii wadaynayaa dhiirri-gelintaas aanu u samaynayno Dadka Danyarta ah,” Sidaas ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland.

Maamuleyaasha Dugsiyada Gaarka loo leeyahay, ayaa ku gacan-saydhay go’aanka ka soo baxay wasaaradda Waxbarashada ee xambaarsan xeer-nidaamiyaha lagu amray inay u hoggaansamaan, iyagoo ku dooday in doorka wasaaradda Waxbarashada ee Waxbarashada Gaarka ahi tahay Kormeerka iyo Imtixaanaadka Shahaadiga ah.

Waxa Arrintan soo faro-geliyey isla markaana maamulayaasha Dugsiyada Gaarka loo leeyahay kulan la qaatay Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland oo 14-kii bishan isugu yeedhay, iyadoo ka wada-hadlay arrimo door ah iyo cabashooyin arrintan ku saabsan oo Guddigu ka dhegaysatay.

Si kastaba ha ahaatee, tallaabada ay Wasaaradda Waxbarashadu qaadday oo u muuqata mid kor loogu qaadayo tayada waxbarashada Dugsiyada Dowliga ah oo hoos-u-dhac ku yimi sababo la xidhiidha dugsiyada Gaarka ah oo soo jiitay isla markaana la wareegay bareyaashii tayada lahaa ee ka hawl-galayey dugsiyada dowliga ah oo lagula heshiiyey Lacag Toban jeer ka badan Mushaharkii ay ka qaadanayeen dowladda. Waxaanay tani sababtay in qoysaska dabaqadaha Dhexe iyo Sare ubadkooda ku daraan Dugsiyada gaarka loo leeyahay oo lacag Adag ka qaada ardayda isla markaana ay dugsiyada dowladda isugu soo hadhaan Arday qoysaskoodu yihiin danyar aan awoodin lacagta Fee-ga ah ee Dugsiyada Gaarka loo leeyahay.

 

Somalilandpost.net
somalilandpost@live.com