Wasaaradda Waxbarashada oo ka warbixisay Ujeeddada Socdaal laba Sarkaal oo Turki ahi dalka ku yimaaddeen

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixisay ujeeddada socdaal ay dalka ku yimaaddeen laba sarkaal oo ka socda xafiiska Raysalwasaaraha dalka Turkiga, isla markaana beenisay inaanay wasaaraddu ka war qabin imaanshiyaha labada sarkaal.

Agaasimaha Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Md. Khadar Axmed Diiriye, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar lagu sheegay in aanay ogayn wasaaradda waxbarashadu laba sarkaal oo ka socda xafiiska ra’iisalwasaaraha Turkiga oo qaabilsan qaybta deeqahaa waxbarashadda oo  dalka socdaal u yimi.

Agaasimaha Tacliinta sare oo maanta gelinkii dambe  xafiiskiisa shirjaraaid ku qabtay, ayaa sheegay in aanay jirin saraakiil ka socda dalka Turkiga oo aanay la socon wasaaradda waxbarasho, isla markaana wuxuu sheegay inuu dhowaan dalka Imanayo Ra’iisalwasaare ku-xigeenka Turkigu isagoo arrinta ka hadlay wuxuu yidhi “Waad ogaydeen inay dawladda Turkigu in siisay deeq waxbarasho oo bilaash ah oo ay hore u siiyeen ardaydeena oo gaadhayey ilaa dhawr iyo soddon arday oo intii kalena waanu ka sugaynaa . Dawladda Turkigu siyaabo badan ayay u bixiyaa deeqaasi oo waxa ka mid ah oo dorraad inoo yimi oo halka inala jooga laba sarkaal oo ka tirsan xafiiska Ra’iisalwasaaraha ku-xigeenka Turkiga oo yimi dalka,kuwaasoo  oo qaabilsanaa qaybta deeqda ee waxbarasho Turkiga.”ayuu yidhi Agaasimaha tacliinta sarre Khaddar Axmed Diiriye

Agaasimuhu wuxuu intaas sii raaciyey “Deeqda waxbarasho waxay ku qaadanayeen iyadu way ka duwanayd noocii hore oo kale oo waxay ahayd Online markaa website-kooda deeqda waxbarasho ee Online-ka ayay ka qaadayeen, marka Somaliland oo dhan ayaa dalbatay, markaa ilaa kun Arday ayaa sida ay noo sheegeen soo doortay oo System  Online-ka  oo marka waxay u badan yihiin kuwo imika jaamacadda ku jira. Dabadeed waxay sameeyaan maadaama ay Soomaaliya kala qaybsantahay oo xarunta guud ee dawladda Tukigi tahay magaaladda Muqdisho oo ay deganyihiin waxay yidhaahdeen Puntland ardayda ka timi iyo kuwa Somaliland inay isugu yimaadaan Somaliland oo ay ku qaadan imtixaanka.”

Agaasimuhu wuxuu sheegay inay wasaaradda waxbarasho la socotay labada sarkaal ee dalka yimi “Labada sarkaal ayaa dalka yimi oo runtii waa sarkaalkii waddanka timi oo waa lala socday oo ardayda ay ku qaadeen Interview-ga waxay ku qaadeen hodheelka Ambassador wasaaradduna way la socotay oo aniguna galinkii dambe markii ay galinkii hore dhammeeyeen ayaanu gelinkii dambe ugu tagnay meesha oo saakana waxay noogu yimaadeen halkan aniga iyo Wasiirka oo maanta kow iyo tobankii ayay baxayeen. Markaa warbaahinta qaar waxa ku qoran in aanay wasaaraddu aanay war-baa u ahaynin karna warhaynin oo taasi runtii sixitaan-bay u baahantahay. Marka runtii labada sarkaal Online ayay ku qaadayeen,marka ay dhammeeyaana  waxay yidhaahdeen ilaa kun arday ayaa soo codsaday  ilaa 20% meelaha ayaanu halkan ku qaadnay oo Somaliland iyo Puntland isugu jiraa markaa ardaydii Puntland waxay yidhaahdeen taga Hargeysa intii ay tagi lahayeen Muqdisho.”

Agaasimaha Tacliinta sarre wuxuu sheegay in uu dalka imanayo 16-ka bishan raiisalwasaare ku xigeenka Turkigu “Waxa kale oo aan idin sheegaya 16-ka bisha meelaha ayaa laga yaaba inuu dalka yimaado raiisalwasaare ku-xigeenka Turkigu oo marka in noogu baaqo deeq-waxbarasho ayaa laga yaaba, teeni hore ee  Organisation ee ay qaadeen oo waa kuwan iskuulka dhisayaa  oo way joogaan oo sidiina waynu u sugaynaa oo deeqo kalena oo macalimina oo ay soo dirayaana way noo sheegeen, laakiin ilaa wali waanu ka sugaynaa.Marka warbaahinta waxaanu ogaysiinaynaa iyo dhamaan bulshadda reer Somaliland inay wasaaradda waxbarasho la socoto, marka dacaayad ayaa la fidiyey marka dacaayaddaasina waxay u baahantahay sixid.”ayuu sii raaciyey agaasimuhu

Agaasimaha tacliinta sarre waxa kale oo sheegay in guud ahaan-ba si wanaagsan uga qarsoonta dalka imtixaankii shahaadiga “Guud ahaanba sida aad la wadda socotaan waxa dhammaaday imtixaankii shahaadiga ahaa ee jamhuuriyadda Somaliland. Anigu waxaan ahaa qoladdii oo masuuliyiinta Jamhuuriyadda Somaliland waxay u kala baxeen daafaha waddanka oo dhan oo Berigii hore Hargeysa oo kaliya ayaanu kantarooli jirnay, laakiin nin waliba sannadkan oo masuuliyiintu way baxeen oo anigu waxaan maray Saraar, Sanaag iyo Badhan oo intaba waan taggay oo waxaan ku maray kormeer guud oo imtixaanka ah oo si wanaagsanna way u dhaceen. Sidoo kalena waxaan u kuurgeliyey tacliinta sarre ee goboladda Beri oo jaamacadda Sanaag university iyo Maakhir oo Badhan ku taala oo labaddaba waan soo eegay oo si wanaagsan way u socota oo waxayna u baahantahay Somaliland ahaan in aanu caawimo wanaagsan u fidno goboladda si kor loogu qaado aqoontooda iyo waxbarashadooda.”

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net