Wasaaradda Waxbarashada oo beenisay war sheegaya in Ardayda Dugsiyada Gobolka Sool aanay ka Qayb-galayn imtixaanaadka Shahaadiga ah

Burco (SLpost)- Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa beeniyay warar lagu baahiyay qaar ka mid ah Saxaafadda oo sheegaya Ardayda Dugsiyada Waxbarashada gobolka Sool ee dawladda Somaliland maamushaa in aaney u fadhiisan doonin Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee foodda innagu soo haya.

Madaxa imtixaanaadka Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland Md Daa’uud Axmed Faarax oo magaalada Burco ugu waramay warfidiyeenadda ayaa warkaasi ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona lahayn isla markaana waxa uu hoosta ka xariiqay ardayda gobolka Sool itixaankoodii wax iska bedelay habayaraatee aaney jirin.

“Runtii waxaanu saxaafadda gobolka ugu yeedhnay in aanu ka hadalo war xalayto laga sii daayay T-V Somali-Sat oo ku saabsanay qolo arday sheegatay oo inta suuqa laga soo ururiyay la doonaayay waxbarashadda gobolka Sool in lagu majara habaabiyo ,oo runtii aad iyo aad uga socota gobolkaasi ,ardayda ay sheegayaan ee ay leeyihiin waa ardaydii gobolka Sool oo itixaanka ma galayaana runtii waxaan doonayaa in aan halkan dhukmantigooda iyo sawiradooda idiinku soo bandhigo oo aan idiin cadeeyo in ay itixaanka u fadhiisanayaan.” ayuu yidhi Daa’uud Axmed Faarax.

Waxaanu Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka guud ee Somaliland oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi; “Markan guud ahaan idiin sheego horta Laascaanood waxa ka furan saddex Dugsi-Sare oo imtixaanaadka nala gala waxaaney kala yihiin dugsiga sare ee Nugaal, Ileys iyo Muuse Yuusuf, Sidaa awgeed hadaba waxaan halkan ka cadaynayaa nin ku farxa iyo nin ka naxaba ma jirto arday reer Laascaanood ah oo itixaan diiday ,dhamaan ardaydaasi dugsiyadaas dhigata sawiradoodii iyo dhukmantiyadoodii ayaanu haynaa oo Aaroogoodii nuu soo gudbiyay waxaanan mar labaad cadaynayaa in aan itixaanaadka wax iska bedelayaa jirin ,masalan Buuhoodle ayay ka hadlayeen ardayda Buuhoodle-na sawiradoodii shandadaas ayay iigu jiraan markaa waxa la yidhi nin daad qaaday xunbo cuskay waana nasiib daro dadka beentaasi sheegaya .”

Madaxa Imtixaanaadka Guud ee Somaliland ayaa mar uu ka hadlaayay ardayda Somaliland u fadhiisanaysa itixaamaadka waxa uu sheegay in ay ku dhawyihiin 18000-arday. Waxa kale oo uu ka hadlay halka ay marayso waxbarashadda gobolka Togdheer oo ay toddobaadkii u danbeeyay kormeer ku samaynayeen Wasiirka waxbarashadda iyo tacliinta sare ee Somaliland iyo madaxa imtixaanaadku, ayaa sheegay in ay marayso halkii ugu fiicnayd ee ay waxbarashadda Togdheer gaadho waxaanu u mahad-naqay maamulka Wasaaraddaasi. Waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay isuduwaha waxbarashadda gobolka Togdheer Cabdi Axmed Siciid iyo masuuliyiin kale.

Geesta kale, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Marwo Samsam Cabdi Aadan oo hoggaaminaysa Weftiga ka socda Wasaaradda Waxbarashada oo tan iyo khamiistii hore kormeerro kala duwan ku marayey gobollada Saaxil, Togdheer iyo deegaanno kale, ayaa maanta kormeer ku sameeyey magaalada Oodweyne ee xarunta gobolka Daad-madheed, halkaas oo ay Wasiirku dhagax-dhigtay hool weyn oo ay yeelan doonaan bahda waxbarashada Oodweyne, waxaanay Wasiirka iyo Weftigeedu warbixinno ka dhagaysteen maamulka Waxbarashada ee deegaankaas oo Weftiga si diirran loogu soo dhaweeyey shalay.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somaliland.net