Wasaaradda Waxbarashada oo Beenisay inuu Jiro Gole ay Ku Midaysan yihiin Macalimiinta Dalku

daa'uudHargeysa (SLpost) Gudoomiyaha Xafiiska Imitixaanaadka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax, ayaa sheegay inaanu jirin wax lagu magacaabo Gole ay ku midaysan yihiin macalimiinta Somaliland. Guddoomiyaha oo wax laga weydiiyey cabashooyinka iyo buuq ka dhashey muran la sheegay inuu u dhexeeyey Maamulayaasha iyo Macalimiin ka tirsan dugsiyada gaarka loo leeyahay, kuwaas oo qaarkood magacyadooda lagaga been-abuurtay qoraal shalay ku soo baxay warbaahinta qaarkood. Guddoomiyaha oo arrintan ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Dadka ku kacaya falalka noocan ah ee Macalimiinta iyo Maamulayaasha Dugsiyada iyo Ardeydaba lagaga been sheegayo, Wasaaraddu talaabo ayay kolay ka qaadi dontaa, waana wax ka reeban Anshaxa Waxbarashada iyo aqoonta iyo Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliintaba been abuurka noocan oo kale ah. Hadalka Guddoomiyaha ayaa daba socday qoraal ay maalinimadii Khamiista soo saareen Xubno isku magacaabay Golaha Macalimiinta, kaas oo ujeeddadiisu mahad-naq ay jeedinayen maamuleyaal iyo macalimiin soo dhawaynayey dhex-dhexaadin lagu soo gebo-gabeeyey khilaaf u dhexeeyey mid ka mid ah maamuleyaasha Dugsiyada Gaarka loo leeyahay iyo Siciid Maxamuud Gahayr oo ka tirsan Bahda Waxbarashada. Dhinaca kale, Macalimiin iyo Maamulayaal magacyadooda lagu xusay qoraalkaas, ayaa beeniyay in  ay wax ka ogyihiin jiritaanka Gole ay leeyihiin Macaliminiinta oo dalka kajira. SOMALILANDPOST,NET