Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo marti-galisay Tartan Aqooneed ay ka Qayb-qaadanayaan 20 Dugsi Sare

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigelinta ee Somaliland Mudane Cabdi Yuusuf Ducaale Boobe ayaa si rasmi ah,Xarunta Wasaarada Warfaafinta uga furay Barnaamij aqooneed lagu magacaabo “Kedis Show”  ,oo ay ka qayb qaadanayaan Labaatan Dugsi sare oo dalkoo dhan ah.

Barnaamijkan oo ay si wada jir ah isaga kaashadaan Wasaarada Waxbarashada iyo hay’ada AET,ayaa laga baahin doonaa mudada u socdo,Telefishanka Qaranku, waxaana ka qayb qaadanaya labaatan dugsi sare oo ku yaala Gobolada Somaliland .

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Mudane C.raxmaan Yuusuf Ducaale Boobe oo furitaankii Barnaamijkan ka hadlay ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo barnaamijyada noocan oo kale ah oo wax ka taraya sida uu xusay kor u qaadida aqoonta da’a yarta ku hawlan kasbashada waxbarashada.

Wasiirka Warfaafintu waxa uu uu tilmaamay Xukuumada uu ka tirsan yahay ay dhiirigelinayso tayaynta waxbarashada si loo helo ayuu yidhi jiil Jidh ahaan iyo Maskax ahaanba caafimaad qaba.

Mudane Boobe Yuusuf Ducaale waxa uu intaas ku daray inay aad u soo dhawaynayaan in ardayda ka qayb qaadanaysa Tartan aqooneedkani ay dhamaantoodba hablo wada yihiin.

Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada oo madashaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay furitaanka tartan aqooneedkan, waxaanu u mahadceliyay Madaxda Wasaarada Warfaafinta iyo Hay’ada AET ee Suurtogeliyay qabsoomida tartankan.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net